Ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo duqeyn lagu dilay

Image

BOOSAASO, Puntland – Fahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn maanta oo Axad ah ka dhacday tuulada Xiriiro ee 3 KM u jirta degmada Isku Shuban ee gobolka Bari.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka, weerarka cirka ah oo dhacay kadib salaadii Duhur ayaa lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen labo ruux oo meydkooda uu gubtay.

Wasaaradda Amniga dowladda Puntland ayaa xaqiijisay in howlgalkaasi lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Cabdixakiin Dhuqubed iyo darawalkiisa. Cabdixakiin wuxuu horey uga tirsanaa Al-Shabaab.

Diyaaradaha duqeynta fuliyay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa Mareykanka oo inta badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ka fuliya howlgalo noocaan ah.

Hasayeeshee, waxay noqoneysaa duqeyntii ugu horeysay oo sanadkaan ka fuliyaan degaanada Puntland iyo tii labaad oo ay la beegsado Daacishka ku dhuumaaleysanaya degaanada buuraleyda ah.

Sidda ay aaminsan yihiin dadka u dhuun-daloola arrimaha amaanka, khaarijinta Cabdixakiim Dhoqob ayaa dharbaaxo kulul ku noqoneysa howlgalada maleyshiyaadka argagixsada ah.

Daacish ayaa degaanada Puntland ku xidideysatay intii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaasi oo ku guuldareystay sugida amniga sababo ku aadan musuq-maasuq xargaha goostay.

Tani ayaa kusoo aadaysa iyada oo uu Madaxwayne Donald Trump uu muddo hal sano ah ku kordhiyay howlgalada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya oo la sheegay in todoba sano lagu soo afjarayo.

Si lamid ah weerarkaan cirka ah ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan degaanada Puntland tan iyo markii uu xilka  la wareegay madaxwayne Deni.

Daacishta Soomaaliya oo fariisinkooda ugu wayn uu yahay waqoyga Soomaaliya ayaa waxaa hogaamiya Cabdiqaadir Muumin, oo ku jira liiska dadka uu u-gaarsanayo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM