Kulamo la doonayo in lagu ansixiyo Xukuumadda PL oo ka socda Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Dedaallo siyaasadeed oo ku aadan ansixinta Xukuumadda cusub ee Puntland ayaa waxay ka soconaya magaaladda Garowe, iyadoo Wasiiradda iyo Madaxweynaha ay kulamo la yeelanayaan Xildhibaanada Gollaha Wakiiladda.

Macluumaad hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in maalinta Berri ah Gollaha Wasiiradda hortagi doonaan Baarlamanka, si ay codka kalsoonida u waydiistaan, kadib markii shalay lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyadda.

Kulamo gaar-gaar ah ayay Wasiiradda cusub iyo Madaxweyne Deni kula yeelanayeen tan iyo xalay magaaladda Garowe, iyadoo wararku ay sheegayaan in Xukuumadda u badan tahay in la ansixiyo Berri.

Gollaha Wasiiradda cusub ee Puntland ayaa waxay ka kooban yihiin 48 xubnood, oo isagu jira 18 Wasiir, 6 Wasiiru dowle iyo ku xigeenno, kuwaasoo 44 kamida shalay la dhaariyay, iyadoo 4-ta hartay ay cudur daar uga maqnaadeen dhaartinta.

Shacabka Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyay magacaabista Xukuumadda Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay tobaadkan, taasoo tiro ahaan ka yar midii hore ee Cabdiweli Gaas.

Deni ayaa shalay la kulmay Gollahiisa Wasiiradda isagoo kula dardaarmay in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM