Madaxda Puntland oo shacabka Garoowe la oogey Salaadda Ciidda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa salaadda ciidul Fidriga garoonka kubadda cagta Mira Awaare kula oogey shacabka Garoowe.

Kusimaha Madaxweynaha waxaa kala qayb galay salaadda ciidda masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, isumo, cuqaal, nabadoo, waxgarad iyo shacab weynaha caasimadda.

Madaxweyne Karaash oo la hadlay shacabka Puntland ayaa ugu horayn markale ugu hambalyeeyey maalintani weyn shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale Rabbi uga mahadnaqay nimcada wanaagsan ee uu ummaddiisa ku manaystay, isagoona uga tacsiyeeyey eheladii iyo qaraabadii dadkii ku waxyeeloobey roobabkii da'ay.

Sidoo kale Kusimaha Madaxweynuhu wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay inay ka qayb qaataan dedaalka dib looga dhisayo wadada halbowlaha ah ee isku xirta dalka oo dhan, taas oo ku bur-burtay roobabkii da'ay.

"Maanta Soomaaliya oo dhan waa kala xidhantahay wadooyinka go'ay awgood, waxaan ku dedaalaynaa inaanu si deg deg ah wax uga qabano, waxaan shacabkana ka codsanayaa inay kaalintoodii saliimka ahayd ka qaataan". Ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka iyo shacabka gobolka Sanaag, gaar ahaan ciidanka ka biyo diidey duulaanka maamulka Hargaysa, waxaana uu fariin adag u diray maamulkaasi.

"Waxaan u hambalyaynayaa ciidamada reer Sanaag ee guusha soo hooyey, hambalyo baan leeyahay ciid wanaagsan, waxaan Alle ka rajaynayaa in ciidamo kale oo la midana inay ku daydaan, rajo badan baan ka qabnaa. Puntland cadaw badan bay leedahay mid gudaha ah iyo mid xuduudaha ahba, gudaha waa nimankaa nabaddiidka ah, waa ku jirnaa dagaalkooda, dabar-goyntooda inta yar ee hadhay waa in ay reer Puntland oo dhammi meel uga soo wadajeestaan" Ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

"Dhulkeenii waa lagu soo duulay, Sanaag baa u dambaysey waataa lasoo galay, iyagoo halkaa jooga ayuu Muusa Biixi leeyahay nabadgelyaan rabnaa, intuu ku jiro dalkeena "WAA LA TAHAY" baan leeyahay, ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso, waxaan leenahay xuduuddaadii tag hadaa nabaddoonayso, nabad waa rabnaa, weligayona waa ka shaqaynayney" Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.

Puntland State House

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM