Madaxtooyada Puntland oo shir ugu qabatey Cumar Faaruuq magaalada Galkacayo

Image

GALKACAYO, Puntland- Wararka warsidaha Garowe Online soo garaaya ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafey xafiiska madaxtooyada ee Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka warfaafinta Puntland ku casumeen magaalada Galkacayo Cumar Faruuq Cusman oo horey u soo noqdey Xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta Somaliya NUSOJ.

Casumaadaan loo fidiyey Cumar Faruuq ayaa waxay aad uga careysiisey ururka warbaahinta Puntland MAP iyo  Somaliya NUSOJ taasoo sababtey in guddi ka kooban saxafiyiintaan kulan la qaataan saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland iyo wasaarada warfafainta.

Kulankaan oo ka dhacey magaalada Galkacayo ayaa saxafiyiinta iyo saraakiisha ururka MAP oo ka qayb galey waxaa toos loogu sheegey in xukuumada Puntland ku martiqaadey Galkacayo Cumar Faruuq.

Wasaarada amniga Puntland oo joojisey kulan Cumar Faruuq uu magaalada Galkacayo kula qaadanayey shaqaalaha TV dowlada, Radio Galkacayo iyo xafiiska warbaahinta madaxtooyada ayaa waxaa la fasaxey kadib markii amar kasoo baxey Madaxweynaha Puntland kasoo lagu sheegey in xukuumada ogtahay kulankaas.

Cumar Faaruuq oo dowlada Federaalka ah iyo maamulada Somaliya u diideen inuu kulamo la qaato saxafiyiinta Somalida ayaa weli ka tanaasulin rabitaanka xilka Xoghayaha ururka warbaahinta Somaliya ee NUSOJ isagoo raadinaya inuu shir lagu magacaabo mar kale qabsado.

Ururka MAP ee saxafiyiinta Puntland Gudoomiyaheeda oo warsidaha Garowe Online xiriir kala sameeyey casumaada Cumar Faruuq ee Puntland ayaa sheegey in nasiib daro tahay in talabadaan ay qaadaan saraakiisha xafiiska Madaxweyne Gaas iyo wasaarada warfafainta xilli ururada saxafiyiinta Somaliya dhisteen ku mideysan yihiin maamulka cusub kaasoo doorashadiisa ka dhacdey magaalada Muqdishu.

Saxafiyiinta Somaliya oo ururka MAP qayb ka yahay ayaa kulan balaaran oo ay bishii May, 2016 ku qabsadeen magaalada Muqdishu waxaa ay Xoghayaha ururka NUSOJ ku doorteen Maxamad Ibraahim Macalimuu natiijadaas oo ay aqoonsatey dowlada Federaalka iyo hay'adaheedu sharciga ah.

Casuumada Cumar Faaruuq ayaa ku soo beegmeysa xilli xiriirka u dhexeeya xukuumada Puntland iyo warbaahinta gobolka uusan wanaagsaneyn taasoo sababtey in weli ay xiran tahay Idacaada Daljir, waxey a noqneysa mid faragalin ku ah madaxbaaninada ururada warbaahinta Somaliya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM