Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo Garowe ka dhoofay

Image

October 16, 2014 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta lagu wadaa inay ka duulaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wafdiga Madaxweynaha oo wasiiro iyo saraakiil madaxtooyada ka tirsani ku jiraan wuxuu socdaalkoodu ku wajahan yahay wadamo kala duwan iyadoo wararku sheegayaan inuu gaari doono wadamada Yurub, North America iyo wadanka Imaaraadka Carabta halkaasoo qaarna shirar uga qayb gali doono, kuwa kalena booqasho gaar ah ku tagi doona.  

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kahor inta uusan Garowe ka duulin dhagax dhigi doona wadada isku xirta laamiga magaalada dhex mara iyo madaxtooyada, jidkaasoo isagana laami la saari doono.

Gaas ayaa lagu wadaa inuu warbaahinta kula hadlo garoonka, isagoo ka warbixin doona ujeedada socdaalka uu ugu baxayo dalalkaas. 

Faah faahin dheeri ah iyo sawiradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM