Madaxweynaha Puntland muxuu kala hadlay Boqor Burhaan iyo Axmad Cali Xaashi?

Image

GAROOWE- Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa sida warsidaha GO warar lagu kalsoon yahay ku helayo kulamo la qaadanayey maalmahaan xildhibaano, xubno ka tirsan guddoonka Barlamanka iyo qaar ka tirsan issimada kuwasoo kala hadlayey arimo la xiriira doorashada Puntland la filayo iney ka dhacdo sanadkaan dabayaaqadiisa.

Cabdiweli Gaas ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey kulan uu magaaada Qardho kula qaatey Boqor Burhaan 4 May,2018 kaga codsadey inuu ku tageero qorshe kororsiimo xilka ah isagoo xusey inuu ogolaansho ka haysto qaar ka tirsan Issimada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Boqor Burhaan Boqor Muuse codsigaas ka diidey Madaxweyne Gaas isagoo u sheegey in qalalaase siyaasadeed ay galineyso Puntland, isagoo dhinaca kale u tilmaamey iney u furan tahay "Cabdiweli Maxamad Cali Gaas" fursad uu markale dib isugu soo sharaxo balse ilaaliyo Dastuurka.

Gaas ayaa dhinaca kale magaalada Garoowe kulan kula qaatey maalintii shaley Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axamad Cali Xaashi iyadoo sida la rumeysan yahay muddo xiriirkooda wanaagsaneyn. Sida warsidaha GO ogaadey Madaxweyne Gaas oo iska lahaa codsiga kulankaan ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan inuu kala hadlay dhismaha guddiga xalinta khilaafka doorashada Puntland oo ka kooban 7 xubnood.

Guddigaan oo soo magacaabistooda uu iska leeyahay Madaxweynaha Puntland isagoo la tashiyo kala yeesha musharaxiinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey jirey qorshe ay wadeen xubnaha ugu tunka weyn Barlamanka Puntland oo raadinayay iney qayb ka noqdaan soo magacaabista gudigaan.

Ma jiraan warar cadeynaya in Madaxweynaha Puntland uu Gudoomiye Axmad Cali Xaashi kala hadlay suurtagalnimada inuu helo kororsi la sheegey in mudooyinkaan dambe olole hoose ugu jirey iyo inkale balse kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli is-arag magaalada Qardho ku dhexmarey Gaas iyo Boqor Burhaan ay isku af-garan waayey barnaamijkii uu kala hadlay.

Doorashada Puntland Madaxweynaha Puntland oo ay ka dhiman tahay muddo 8 bilood ah ayaa sida la rumeysan yahay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas waxaa ka muuqda dhaqdhaqaaqyo uu olole ugu jiro in dib loogu soo doorto xilkaan.

Dowlada Puntland gaar ahaan Madaxweyne Gaas ayaa waxaa lagu eedeeyaa musuqmaasuq baahsan iyo ku takri-falid awoodeed taasoo sababtey in dhamaan hay'adihii dowliga ahaa ee maamulkaan noqdaan kuwo fadhiid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM