Madaxweynaha Puntland oo lacag ku bixiyey arimaha gobolka Sool, xildhibaano saluugey

Image

GAROWE- Kadib markii xildhibanaada Barlamanka kuwooda kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn aqalka wakiilada keeneen asbucii hore ee la soo dhaafey mooshin Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa wax lagaga waydiinayo arimaha goboladaas ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaa bilowdey kulamo u dhexeeya madaxda sare iyo xubno ka tirsan xildhibaanadaas.

Madaxweynaha Gaas oo diidanaa qorshaha xildhibanada Barlamanka hortiisa wax kaga waydiinayaan arimaha goboladaas ayaa wararka warsidaha GO soo garaaya sheegayaan inuu  bilaabey kulamo gaar ah uu la yeelanayo  mudanyaasha gobolka Sool kaga jira aqalka wakiilada Puntland. Kulamadaas ayaa diirada sarayey sidii maamulka Puntland uga horatagi lahaa qorshaha siyaasdeed ee Somaliland ku kasbaneyso shacabka degan goboladaas.

Wararka kulamadaan ku xeeran ayaa sheegaya in xildhibanadaan ku eedeeyeen xukuumada Madaxweyne Gaas iney ka gaabisay sidii ay ula Imaan laheyd qorshe siyaasdeed oo lagaga horatagi karo barnaamijyada siyaasadeed ee maamulka Somaliland ku kasbanayo dadka daga goboladaas gaar ahaan qabaa'iladii tageersanaa maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa xildhibanadaan ka dalbadey iney guddi iska qabtaan islamarkaana u keeneen qorshe siyaasdeed ee ku aadan arimaha goboladaan. Guddi xildhibanadaan iska soo qabteen ayaa wararka sheegayaan in Madaxweynaha Puntland u geeyeen in loo baahan yahay misaaniyad safaro loogu baxo goboladaan islamrkaana kulamo loo qabto dadka dagan degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn ee hoos yimaada maamulka Puntland loo baahan yahay.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Madaxweyne Gaas inta uusan ka dhoofin magaalo madaxda Puntland ee Garowe una ambabixin dalka Ethiopia Madaxweyne ku xigeenkiisa kaga tagey lacag kharash ah ee gaareysa 25000USD taasoo ku wajahan in wax lagaga qabto arimaha siyaasedeed ee ka taagan goboladaan.

Xogaha warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in xildhibanada kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Ceyn  oo kulamada la qaatey Madaxweynaha Puntland asbucii lasoo dhaafey ka biyo diideen misaaniyada lacageed oo loo qoondeeyey arimaha siyaasada ee cakiran ee ka taagan goboladaas.

Madaxweynaha Gaas oo safar ugu maqan dalka Ethiopia ayaa inta uu ka maqanaa Puntland waxaa magaalada Laascaano booqasho ku yimid wafti balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland kaasoo kulamo halkaas kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM