Madaxweyne Gaas oo dib ugu soo noqdey Puntland 19 cisho kadib

Image

BOSSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta kasoo dagey magalada Bossaso iyadoo ay garoonka diyaardaha ku soo dhoweeyeen  xubno ka tirsan golaha waaiirada, madaxda gobolka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada amniga

Safarka Madaxweynaha oo qaatey muddo 19 cisho ah ayaa waxaa qayb ka tirsan maalmaha uu maqnaa magaalada Muqdishu  uu kaga qayb galayey kulankii ugu dambeeyey ee madaxda madasha.

Mundane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo shir jaraa'id ku qabtey garoonka diyaardaha magalada Bossaso ayaa ka hadlay kulankii magalada Muqdishu ku yeesheen  isagoo xusey in madaxda madasha meel wanaagsan soo gaarsiyeen arimaha Somalia uuna filayo in doorashooyinka soo socda kasoo bixi doonaan isbadal u wanaagsan Puntland iyo Somalia. 

Madaxweyne Gaas ayaa shirkaan jaraa'id inta uu socdey aan soo hadal qaadin isku deygii khasaarey ee madaxda madasha ku damceen iney ku kordhiyaan tirada xubnaha  aqalka sare gaar ahaan saxiixii Madaxweyne ku xigeenka Punatland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisu qoraal codsi ah la gudbiyeen siyaasiyiinta beelaha kasoo jeeda maamulka Somaliland.

Qoraalka madaxda Puntland la saxiixdeen siyaasiyiinta beelaha kasoo jeeda Somaliland ayaa shacabka Puntland intiisa badan u arkeen inuu xadgudub ku ahaa Dastuurka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo soo hadal qaadey dilalkii loogu gaystey saraakiisha dowlada magalada Bosssaso ayuu tacsi u direy ehelkoodii isagoo amaan u soo jeediyey ciidmada amniga sida ay amniga magalada gacanta ugu dhigeen dilalkaas kadib.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay abaaraha ka jira Puntland isagoo hadalkiisa ku darey in booqasho uu ku tagi doono degaanada saameynta gaartey qaarkood.

Dhibatooyinka abaaraha Puntland ayaa sidii loogu gurman lahaa waxaa aad uga hadlay shacabka Puntland gaar ahaan madaxweynihii hore Cabdiraxman Farole isagoo sheegey in loo bahan yahay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadkaas dhibateysan gaar ahaan kuwa u guurey deegaanada fog-fog.

Wararka uu warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka iyo guddiyo dowlada horey ugu saartey arimaha abaaraha bilaabeen asbuucii la soo dhaafey sidii kulamo uga yeelan lahaayeen arimaha abaaraha.

Guddiyadaan iyo madaxda sare ee Puntland ayaa ka gaabiyey gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen kadib markii labada xubnood ee ugu sareeya maamulka Puntland safarkooda magaalada Muqdishu qaatey muddo 41 cisho ah.

Gudoomiyaha degmada Beyla ayaa asbuucii hore wareysi uu siiyey saxaafada qaylo dhaan u direy dowlada Puntland isagoo ku eedeyey hay'adaheeda in aysan qabsan howlihii laga sugayey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM