Madaxweyne Gaas oo furay Kalfadhiga 39-aad ee golaha Wakiillada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta furay Kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Barlamanka oo dib u habayn ballaaran lagu sameeyay.

Ammaanka, Siyaasadda, kor u qaadista Haykalka dowladnimada, Dhiirigalinta Ganacsiga, Dhaqaalaha, Dhowrista deegaanka, Maaraynta Khayraadka Badda, Kor u qaadista Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Madaxweynaha Puntland, ayaa ka warbixiyay dhammaan qodobaadas oo uu sheegay in dowladdu guulo ka gaartay mudadii u dhaxaysay  labada Kalfadhi. Halkan ka dhagayso

Ammaanka;

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay ammaanka, ayaa sheegay in maamulkan lagusoo qaaday dullaano kala duwan kuwaasoo ujeedkiisu yahay in lagu waxyeelleeyo jiritaanka Puntland, isagoo tusaale usoo qaatay weerarkii lagu qaaday Tuulada Af-urur.

Qodobka ammaanka oo ahaa midka ugu muhiimsanaa Khudbadda Madaxweyne Gaas, ayaa shegay in dowladdu ballanqaaday dullaan ka dhan ah kooxda Al Shabaab, isagoo wacad ku maray inay ka qoomamayn doonaan khasaarihii ay u gaysteen shacabkii iyo ciidamadii ay ku dileen weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inay Abaalmarino iyo dalacsiin u diyaarisay ciidamadii qabtay Qaraxyadii Bosaso iyo Galkacyo, isagoo xusay inay sidoo kale damaanad qaad nololeed u sameeyeen qoyska Askarigii ku dhintay Qaraxii Bosaso.

Magaalooyinka Puntland, ayuu tilmaamay inay ka socdaan howlgallo lagu xasilinayo amniga isagoo xusay in ku hadal qabsaday eraygii ahaa "Puntland ma Oydee, waa Aarsataa".

Khubadda Madaxweynaha oo lamid ahayd middii uu sannadkii hore ka jeediyay magaalada Bosaso ee uga waramayay waxqabadka dowladda, ayuu uga hadlay arrimo kale oo ay kamid yihiin, dhaqancelinta Carruurtii lagusoo qabtay dagaalladii Suuj iyo Garmaal, isagoo sidoo kale xusay in xukuumaddu meel marisay Xeerar kala duwan oo ay kamid yihiin Gudniinka Fircooniga ah.

Dhismaha Garoonka Garowe;

Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo khudbadii uu ka jeediyay Kalfadhiga Barlamanka Puntland uga hadlayay shaqada Garoomada diyaaradaha, ayaa carrabka ku dhuftay in saddex bilood ee soo socota lagu dhammaystiri doono shaqada Garoonka diyaaradaha Garowe oo uu sheegay in Boqolkiiba 80 la dhammaystiray.

Garoonka diyaaradah Galkacyo ayuu sheegay in shaqadiisu socoto, isagoo sidoo kale tilmaamay in Garoonka diyaaradaha Bosaso la geeyay dab damisyo iyo mashiino kale oo lagu baaro tayada qalabka lagu dhiso garoomada Puntland.

Majirin wax su'aalo ah oo la weydiiyay Madaxweyne Gaas, waloow mudanayaal dhowr ah raadinayeen inay wax ka weydiiyaan xaaladda Puntland, balse waxaa la hakiyay markii Khudbada Madaxweynaha kusoo aaday waqtigii salaadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM