​Madaxweyne Gaas oo khudbadiisa sannad laha ah ka jeediyay Magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, ayaa caawa si toos ah dadweynaha ugu jeediyay khudbadiisa Sannad laha oo uga hadlo waxqabadka xukuumadda uu hogaamiyo taasoo labadiisa sano ee ina dhaaftay lagusoo bandhigay xaflado loo qabtay 08 January oo ku beegan waqtigii la doortay saddex sano ka hor.

Gaas oo sannadkan aan qaban xafladdaas arrimo jiro awgood, ayaa warbaahinta ka akhriyay waxqabadka xukuumadiisa, wuxuuna diiradda ku saaray arrimaha; ammaanka, siyaasadda, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dhowrista Degaanka iyo maaraynta Khayraadka Badda.

AMNIGA;

Madaxweyne Cabdiwali, wuxuu sheegay in dowladdiisu wax badan ka qabatay dhinaca ammaanka iyadoo dagaallo kala duwan la gashay kooxaha argagixisada sida Al shabaab iyo Daacish oo dullaan kala duwan kusoo qaaday xeebaha Puntland, wuxuuna sheegay inay ku guulaysteen sidii waddanka looga sifayn lahaa.

Wuxuu xusay in dowladda uu hogaamiyo samaysay howlgallo kala duwan oo ciidamada nabadgalyadu ka hirgaliyeen magaalooyinka iyo buuraha Galgala halkaasoo ay ku dhuumaalaysanayaan mallayshiyaad katirsan Shabaab.

"Puntland waxa lagusoo qaaday dullaan wajiyo badan leh si loogu waxyeelleeyo jiritaankooda iyo nabadgalyadooda intabada. Shacabka Puntland iyo dowladda oo is-kaashanaya ayaa hadda wada howlgallo lagu difaacayo dalka islamarkaana lagu jabinayo cadowga kusoo duulay Puntlan gaar ahaan argagixisada noocyadeeda kala duwan,"Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gaas, ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu xafis u fidinayso dhammaan cid kasta oo kasoo baxda fikirka khaldan ee kooxa xagjiriinta ah kahor intaan ciidamadu gacanta ku dhigin.

KAABAYAASHA DHAQAALAHA;

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu waxbadan ka qabatay dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo tusaale u soo qaatay dhismaha Garoonka diyaaradaha Bosaso iyo kan magaalada Garowe oo hadda gabo-gabo ku dhow, isagoo sidoo kale xusay inay sameeyeen waddooyin badan mudadii uu xilka hayay.

Abaarta ka jirta Puntland, ayuu carrabka ku dhuftay, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu hormuud ka ahayd roob doon laga sameeyay magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo sidoo kale gurmadyo la gaarsiiyay dadka tabaalaysan.

Wuxuu sidoo kale Mudane Gaas, baaq u diray shacabka reer Puntland isagoo tilmaamay in xaaladda abaartu wali tahay mid khatarteeda wadata.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas, ayaa hambalyo u di Axmed Xuseen oo ah Soomaali heysta dhalashada dalka Canada kaasoo Ra'isal wasaaraha dalkaas uu u magacaabay Wasiirka socdaalka, Qaxootiga iyo Jinsiyadaha dalkaas, isagoo ALLE uga baryay inuu xilkaas ku guuleeyo.

Wuxuu sidoo kale hambalyo u diray Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasoo maanta markii labaad loo doortay Afhayeenka golaha Shacbiga Afarta Sano ee soo socota.

Khudbadda Madaxweynaha oo ka duwanayd kuwii uu horey usoo jeedin jiray, ayaa Mudane Gaas kusoo qaatay arrimo badan oo dowladdu ka fulisay deegaanada Puntland, kuwaasoo ay kamid ahayd, tababaro loo sameeyay macaliimiin Dugsi qur'aan, Quudinta hooyada iyo dhallaanka, FGM-ka iyo Kufsiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM