Madaxweyne ​Gaas oo magacaabay Wasiirro u badan kuwii hore [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Digreeto kasoo baxday Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, ayaa lagu magacaabay 53 mas'uul oo isugu jira wasiirro iyo ku-xigeenno kuwasoo u badan xukuumaddi lagala noqday Xasaanadda. Gaas oo muddo 21 casho ah ku mashquulsanaa liiskan ayaa dhowr Wasiir aan kusoo darin liiskan kuwasoo ay kamid yihiin,  Wasiirradii; Haweenka, Duulista Hawada, Xannaanada Xoolaha iyo Dastuurka. Qaar kamid ah Wasiirradii hore ayaa loo badalay boosas kale, Hoos ka Akhriso Digreetada Madaxweyne Gaas ku dhawaaqay;

Markuu arkay:-                            Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:-                   Aqoontooda,  khibradooda shaqo iyo waaya-aragnimadooda    shaqo.

Markuu la tashaday:-                               Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey:-                 Baahida loo qabo magacaabida golaha Wasiiradda.   Wuxuu Go’aansaday Madaxweynaha Dawladda Puntland magcaabida Golaha 

Wasiiradda

1.      Waxaa  Saalax Xabiib Jaamac loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta.

2.      Waxaa  Cabdullahi Cali Xirsi Timo Cade loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

3.      Waxaa Axmed Cabdullahi Yuusuf  loo magcaabay Wasiirka Wasaardda Amniga iyo DDR-ta.

4.      Waxaa Cabdullahi Saciid Caarshe loo magcaabay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland.

5.      Waxaa Shire Xaaji Faarax loo magcaabay Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

6.      Waxaa Cabdifaatax Saciid Caynab loo magcaabay Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Faderalka.

7.      Waxaa Abshir Aw Yuusuf Ciise loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Tacliinta Sare.

8.      Waxaa Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise loo magcaabay wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

9.      Waxaa Cabdiraxmaan Barkhadle Warsame loo magcaabay Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

10. Waxaa Saciid Maxamed Raage loo magcaabay Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka iyo Amniga Badda.

11. Waxaa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash ) loo magcaabay Wasiirka Duulista Hawadda iyo Garoomadda Puntland.

12. Waxaa Maryan Axmed Cali loo magcaabay Wasiirka Horumarinta, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

13. Waxaa Cabdi Xirsi Cali Qarjab loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda War-faafinta Boostada, Dhaqanka iyo isgaadhsiinta.

14. Waxaa Cabdiweli Xirsi Cabdule loo magcaabay Wasiirka Ganacsiga iyo wershadaha.

15. Waxaa Cabdullahi Shiikh Axmed loo magcaaby Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

16. Waxaa Cabdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe)  loo magcaabay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.

17. Waxaa Dr. Cali Cabdullahi Warsame loo magcaabay Wasaaradda Degaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska.

18. Waxaa Cabdirashiird Maxamed Xirsi loo magcaabay Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

19. Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye loo magcaabay Wasiirka Dib u Dhiska Maalgashiga iyo Horumarinta.

20. Waxaa Cabdiraxmaan Shiikh Axmed loo magcaabay Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalin-yaradda iyo Ciyaaraha.

                                                     Wasiiru Dawlayaasha

21. Waxaa Cabdirashiid Cali Geelle loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

22. Waxaa Axmed Calimi Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.

23. Waxaa Burhaan Cilmi Xirsi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyadda iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah.

24. Waxaa Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Goladda.

25. Waxaa Axmed Siciid Cabdiraxmaan loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka iyo Amniga Badaha.

26. Waxaa Seyid Cumar Guuleed loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka.

27. Waxaa Cabdiqani Geelle Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Garoomada Puntland.

28. Waxaa Cali Yuusuf Cabdi Giir loo magcaabay Wasiiru Dalaha Wassaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dawladdaha Hoose.

29. Waxaa Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye loo magcaabay Wasiiru Dalaha Wasaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

30. Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.

31. Waxaa Cabdifataax Nuur Axmed Ashkir loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha iyo isgaadhsiinta.

32. Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda.

33. Waxaa Yasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare. 

Wasiir Ku-xigeenadda.

34. Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen Waloore loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Diinta iyo Dhaqan Calinta.

35. Waxaa Cabdulaahi Xaashi Qoob Deero loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dawladdaha Hoose.

36. Waxaa Cabdicasiis Maxamed Aadan loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.

37. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

38. Waxaa Saciid Faarax Maxamuud loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhaka Caalamiga ah.

39. Waxaa Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Fadaraalka.

40. Waxaa Dr. Maxamed Cali Faarax loo Magaacanbay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Wax Barashadda iyo Tacliinta Sare.

41. Waxaa Dr Faarax Maxamed Warsame loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.

42. Waxaa Faarax Cali Cabdi loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.

43. Waxaa Cadirisaaq Nuur Cumar loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

44. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo Magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista  Hadda iyo Garoomadda.

45. Waxaa Faa’iso Cali Ismaaciil loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horuminta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

46. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta.

47. Waxaa Cabdiraxmaan Xasan Yuusuf loo magacaaaby Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Weshedaha.

48. Waxaa Dr. Nuur Axmed yuusuf loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

49. Waxaa Saciido Xuseen Cali Gees loo Magcaabay Wasiir Kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka.

50. Waxaa Maxamuud Ciise Xaaji Maxamed loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaan Dalxiiska iyo Duur-joogta.

51. Waxaa Maxamuud Maxamed Gabax loo  Magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

52. Waxa Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.

53. Waxaa Maxamed Jibriil Caateeye loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM