​Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo arrimo xasaasi ah ka hadlay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta ka hadlay arrimo kala duwan xilli warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe.

Shirkiisa jaraa'id ayuu Mudane Camay uga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen; Qaraxii ka dhacay Muqdishu, Safar sannadkii hore uu ku tagay Xamar, doorashada Somalia, Doorka siyaasadda dalka ee beesha caalamka, warbixinta CDRC, lacagtii ay dowladdu ugu deeqday Abaaraha, Ammaanka Puntland iyo tacadiyada ka dhanka ah dumarka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa cambaareeyay weerarkii Muqdishu, isagoo xusay in dowladda Somalia gaar ahaan madaxda waqtigu ka dhammaaday ku fashilmeen xasilinta dalka iyo kafaalo qaadka baahiyadda shacabka, wuxuuna Xildhibaanada usoo jeediyay inay doortaan hogaamiye caadil ah.

Doorashada Somalia ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna bogaadin iyo ammaan usoo jeediyay Xildhibaanada hadda la doortay isagoo sheegay inay sameeyeen tallaabooyin taariikhi ah oo ay garan waayeen hogaamiyaashi madasha taasoo ay ugu horayso wax ka qabashada abaaraha ka jira Somalia.

Safar dabayaaqadii sannadkii hore uu ku tagay magaalada Muqdishu ayuu ka waramay, wuxuuna cadeeyay inuusan wax guul ah kala imaan taasoo sabab u tahay caddaalad xumo kajirta Xamar, wuxuuna sheegay in Madaxda Somaliyeed aysan xorriyad ku haysan caasumadda Somaliyeed, balse waddanka ay ka taliyeen dadyow Shisheeye oo fadhigoodu yahay Xalane.

Kuraasta gobollada Waqooyi ayuu Mudane Camay soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in madashada Qaran iyo Beesha Caalamka ay xaqireen qoondadii ay xaqa u lahaayeen islamarkaana umadda Somaliyeed kala qaybiyeen, wuxuuna taas badalkeeda codsaday in Xildhibaanada Somalia arrintaasi ku laabtaan.

Warbixin ay soo saartay hay'ad Ethiopian ah oo sheegtay in Madaxweynaha Somalia uu noqdo qof kasoo jeeda beelaha Hawiye, ayuu ka hadlay wuxuuna sheegay in qoraalkaas uu yahay mid khaldan oo aan ku haboonayn dadka iyo dalka Somalia, wuxuuna taas badalkeeda ugu baaqay Ra'isal wasaaraha waddankaas inuu raali galin ka bixiyo oo ilaaliyo xiriirka labada dal.

Abaaraha ka jira Puntland iyo deeqdii dowladdu ku yaboohday ayaa Mudane Camay ka hadlay, wuxuuna ka marag kacay inay ka gaabiyeen doorkii looga baahnaa isagoo ku cudur daartay in xukuumaddu gashay dagaallo islamarkaana kaalmooyin kala duwan oo biyo baadba isugu jira gaarsiiyeen dadka abaaruhu saameen, wuxuuna baaq u diray beesha caalamka isagoo ka dalbaday inay ka jawaabaan codsigooda soo bilowday sannadkii hore.

Mar uu ka hadlayay amniga Puntland oo muddooyinkii dambe ay soo badanayeen kiisas kala duwan oo isugu jira dilal iyo kufsi ayuu sheegay inay sameeyeen wixii awoodeen oo aysan hagari ku jirin.

Wuxuu maamulka Ahlusunna uga mahadceliyay sidii ay usoo qabteen gacan ku dhiiglihii dilka ka gaystay nawaaxiga Burtinle, wuxuuna sheegay in gabiilka labada beelood ay kawada xaajoonayaa dowladduna wixii ay uga baahdaan ka taageeri doonaan.

Kufsi wadareed gabar da'yar ah loogu gaystay degmada Galdogob ayuu soo hadal qaaday isagoo tilmaamay inaysan cidna kiiskaasi uga baqi doonin oo ay go'aankooda iyagu u madax bannaanyihiin maadama hay'addo caalami ah qoraalo kasoo saareen, wuxuuna sheegay in xukuumaddu falkaasi ku howllantahay.

Hadalka Mudane Camay ayaa kusoo beegmay xilli dowladda Puntland lagu dhaliilay inay ka gaabisay wax ka qabashada abaaraha amniga iyo dhaqaalaha kaasoo hoos u dhac hoog leh ku yimid wixii ka dambeeyay 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM