Madaxweynaha Puntland oo aqbaley nidaamka 4.5, Akhri qodobada

Image

GAROWE, Puntland- Kadib markii muddo asbuuc ah kulamo uga socdeen magaalada Garowe madaxweynayaha Puntland iyo Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa waxaa kasoo baxey heshiis lagu aqbaley nidaamka doorasho ee 4.5.

Heshiiska labada dhinac kala sixiixdeen ayaa waxaa goob joog ka ahaa beesha caalamka xubno ka tirsan iyadoo qodobada lagu xusey qoraalkaan u badnaayeen kuwa qeexaya qaabka doorasho ee Barlamanka federaalka ah Somalia 2016.

Qodobada ugu muhiimsan ee qoraalkaan ayaa waxey diirada saarayeen in xulishada xildhibaanada lagu soo xuli doono nidaamka qabaliga ee 4.5 uu ka dhici doono magaalo madaxdayada maamul goboleedyada Somalia. Awooda xulasho ee xildhibaanada Barlamanka Somalia 2016 ayaa waxaa heshiiskaan ka muuqda in laga wareejiyey odey dhaqameedyadii iyadoo gacanta loo galiyey madaxweynayaasha dowlada kamid ah Federalka.

Munaasabada lagu saxiixey heshiiskaan ayaa waxaa hadalo ka jeediyey madaxda beesha caalamka gaar ahaan wasiirka arrimaha dibada Ethiopia, Ra'isal wasaaraha Somalia, ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somalia u qaabilsan Qaramada midoobey iyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo horey u diidey qaadashada nidaamka 4.5 ayaa go'aankaan kala tashan shacabka Puntland qaybihiisa kala duwan kuwasoo horey diidmo uga muujiyey kadib markii kulamo ay la qaateen madaxda beesha caalamka.


Qodobada heshiiskaan ku qoraan ayaa waxaan tarjumaad ku sameynay intooda ugu muhiimsaneyd

1.1  Habka 4.5 ee qabaliga ah uusan noqon mid loo isticmaalo xulidda xildhibaannada barlamanka dawladda federalka ah, isticmaalkeeduna ku ekaado doorashada 2016.

1.2 In la sameeyo guddi doorasho (electoral commission) oo xubnihiisu ka kooban yihiin dawladda federalka iyo dawlad goboleedyada.

1.3 Xubnaha barlamanka federalka lagu doorto magaalo madaxyada dawlad goboleedyada.

1.4 Xulashada xildhibaannada barlamanka federalka lagu soo xuli doono Garowe lagana soo xuli doono qabiilladii aasaasay dawlad goboleedka Puntland 1998.

1.5 Madaxwaynaha dawladda Puntland uu leeyahay go’aanka kama dammayska ah ee ku aaddan xulidda xildhibaannada barlamanka federalka ka dib markuu guddiga doorashadu soo gubdiyo.

2.1 Xulidda xidhibaannada aqalka sare wuxuu ka horraynaya samayska aqalka hoose ee barlamanka federalka ah.

2.2 Xulidda xildhibanada aqalka sare federalka ee matalaya Puntland waxaa soo jeedinaya xubnaha xukuumada waxaana qaabka loo marayo dejinaya barlamanka Puntland ( Criteria selection).

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM