Makiinadii lagu daabici jirey lacagta Faalsada oo Garowe lagu hayo

Image

GAROWE - Magaalada Garowe caasimada Puntland ayaa waxaa lagu hayaa gudaheeda makiinadii lacagaha faalsada ah uu ku daabaci jirey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, sidaas waxaa ogaadey warsidaha Garowe Online.

Makiinadaan oo maamulkeeda uu mas'uul ka yahay Cabdifatax Sugule oo horey Wakiil ugu ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland "Gaas" ayaa wararka warsidahaan helayo waxay sheegayaan inuu iminka gacanta ku hayo qalabkaan maamulkiisa.

Warsidaha Garowe Online oo isku taxalujiyey inuu wax ka ogaado dhaqdhaqaaqa makiinadaan ayaa fahansan in bishii September 2018 laga soo qaadey magaalada Bosaso gaar ahaan gudaha dhismaha xarunta Bangiga dhexe.

Madaxweynihii talada hayay xiligaas "Gaas" ayaa sida warar lagu kalsoon yahay ay u sheegeen warsidahaan waxaa uu qorey waraaq uu ku sheegayo in makiinadaan ay wada leeyihiin ganacsato reer Puntland ah kuwaas oo isagu si qarsoodi ah uga mid yahay iyo Dowlada Puntland gaar ahaan Wasaarada Waxbarashada.

Barnaamijka wada lahaan-shaha oo lagu Sheegey in makiinadaan iney ku taal magaalada Garowe ayaa waxaa loo yaqaan "Public Private partnership" ama wada-lahaansho ganacsato rayid ah iyo dowlad.

Balse xogsidahaan ayaa ogaadey in lacagta laga bixiyey makiinadaan oo gaareysa 1400,0000 dollar laga bixiyey khasnada Dowlada Puntland. 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Sheegaya in Wakiilka makiinadaan isagoo adeegsanaya qoraal Madaxweynihii hore ee Puntland ka tagey uu codsi Mashruuc u qortey Wasaarada Waxbarashada Puntland ku daabaceyso buugta dugsiyada kaas oo ay ku deeqeen midowga Yurub. 

Wasaarada waxbarshada Puntland ayaa waxaa dhexyaal makiinad loogu talagalay iney ku daabacdo buugta manaahijta iyo qoraalada kale ee muhiimka u ah kobcinta aqoonta ardeyda taas oo ay u maalgalisay beesha caalamku.

Sugule ayaa ku cadaadinaya Wasaarada iney qoraalkaan u hogaansanadaan islamarkaana daabacada buugtaan loo isticmaalo makiinadaan horey u daabici jirtey lacagaha faalsada ah.

Daabacada lacagaha shilin Soomaaliga ee Faalsada ah ayaa waxay dhibaato xoogan u gaysteen shacabka Puntland xiligii uu talada maamulkaan hayey Madaxweyne Gaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM