Mas'uul kasoo goostay Somaliland oo saddex arrimood caddeeyay

Image

GAROWE, Puntland – Gaashaanle Dhexe Sahal Faarax Raage oo sheegay in uu ahaa xeer-ilaaliyihii Maxkamadda Sarre ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah uga soo baxay maamulka Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa jagadaas wuxuu u magacaabay 16-ka bishii Janaayo ee sanadkan 2019-ka, sidda uu xusay.

"Waxaan rabaa in aan halkaan ka caddeeyo saddex arrimood, kow, in aan ka tanaasulay xilkii Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Sarre ee Ciidamadda," ayuu yiri xili uu qaybo kamid ah warbaahinta uu la hadlay.

Raage ayaa intaas ku daray: "Waxaan kaloo doonayaa in aan caddeeyo in aan xubinnimadii ciidamadda ee ahaa Gaashaanle Dhexe ee ciidamadda Somaliland in aan ka tanaasulay aanna kamid ahayn hadda kadib".

"Waxaan kaloo iyadana caddeynayaa in aan ku biiray ciidamadda Puntland. Hadda wixii ka dambeeyana aan ka shaqeyn doono. Kuma biirinee horeyba qalbiga ayaan ka ahaa," ayuu hoosta ka xariiqay sarkaalka.

"Waa la laalay"

Sababta uu uga soo baxay maamulka gooni u goosadka ah ee Hargeysa ayaa wuxuu ku qeexay in "daaqadda laga saarey heshiiskii lagu aas-aasey Somaliland".

"Lama dhahayo maxaa loo baxayaa, sababuhu way iska cad-yihiin. Dadkan waxay ahaayeen kuwa isku tegay. Somaliland heshiis baa lagu aas-aasey. Heshiiskii 1991-dii gebi ahaanba waa la laalay".

Maamulka Biixi ayuu ku eedeeyay in uu "majaxaabiyey hanaanka cadaaladda," isla markaana farogelin xooggan uu ku hayo nidaamka garsoorka.

Taliyaha Ciidamada Somaliland ayuu carabka ku dhuftay "in uu askarta ku kala saarey hab qabiil taasoo xaq loogu leeyahay in maxkamad lagu soo saaro. Ciidamadii Sanaag wuxuu yiri waad iska tageysaan".

"Maadaama taliyihii ciidamada aan sharciga qabaneyn, askariga qoriga lagu qaado, taa lama dhigi karo cadaalad, qodobka labaad ee aan uga tegay waa kaa," ayuu hadalkiisa raaciyey Gaanshaanlaha.

Dadka ku dhaqan gobolka Sanaag ayaa wuxuu ku waaniyey in ay "ka tashadaan dadka u teshaday ee sareyntooda aan ogoleyn". Dhinaca kale, wali maamulka Hargeysa kama uusan falcelinta hadalada Sahal.

MUUQAALKA SAHAL

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM