Maxamad A. Farole: Siyaasad Qori isu dhiib la yiraahdo kama jirto Puntland [Daawo]

Image

DUBAI, UAE- Agaasimihii hore ee ciidamada badda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Farole ayaa ka hadlay xaaladda kala guurka ah ee Puntland iyo loollanka doorashooyinka Barlamanka iyo madaxtooyada ee la filayo inay dhacdo horaanta sanandka soo socda.

Siyaasigan oo hadda ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waraysi uu ka qaaday Wariye Shiine Culey, wuxuu ku sheegay inuu doorashada soo socota aysan ka duwanayn kuwii hore, balse xukuumadda iminka jirta looga fadhiyo sidii ay ugu filnaan lahayd qabashadeeda iyo ku wareejinta madaxda imaan doonta hadii laga guulaysto kuwa iminka jooga oo aan la ogayn inay tartami doonaan iyo in kale.

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa wax laga weydiiyay arrinta waayadan dambe aad loo hadal hayo ee ah in hogaanka sare ee maamulkan uu yahay Tare ay tirsadaan qabaa’il gaar ah, wuxuuna doodaas ku macneeyay mid mala awaal ah oo ka foq xaqiiqada iyo qaabka loo dhigay.

“Anigu halkaas wax kama odoroso, mana rabo inaan shakhsi shakhsi iyo cid gooni ah baddeeda galo, laakiin Puntland waxay u baahantahay cid ka saari karta dhibaatada ay maanta ku jirto, ciddi Barnaamijkeeda wanaagsan ay Xildhibaanadu ku qancaan ayuu Madaxweynuhu noqonayaa, Madaxweynuhu wuxuu noqonayaa cidda shacabka Puntland ay ku qancaan ee ka saari kara nidaamka qabiilka ee hadda wax lagu doorto una gudbin kara habka dimuqraadiyadda, Madaxweynuhu qabiil maaha, reerna maaha ee qofkii Barnaamij wanaagsan la yimaado oo gadmaya ayuu noqonayaa,” ayuu yiri Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan.

Dowladda iminka jirta ayuu ugu baaqay inay ka shaqayso sidii ay u samayn lahayd guddi ka shaqeeya xallinta khilaafaadka isagoo uga digay inay faraha la gasho soo xulista Xildhibaanada oo ay khilaafaad ka dhex abuurto beelaha.

Wuxuu ku dhaliilay xukuumadda Gaas inay ku fashilantahay hogaaminta dalka iyo gaarsiinta waxyaabihii laga filyay gaar ahaan kuwii ay ballan qaaday markii lagu jiray ololahii doorashada 2013.

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa wax laga weydiiyay xukuumaddii hore ee uu hogaaminayay Cabdiraxmaan Farole, markaasoo isagu ahaa lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Saxaafadda iyo Agaasimihii ciidamada PMPF, wuxuuna sheegay inay samaysay mashaariic iyo guulo la taaban karo oo uu ka xusay, keenista Mashruuca lagu dhisay Garoonka diyaaradaha Garowe, Dhismaha Madaxtooyada, wasaaradaha, Hirgalintii Dastuurka, Calanka iyo sidii uu maamulkan hormuud uga saari lahaa qorshihii dowladda Federaalka looga saari lahaa KMG.

Dhanka kale wuxuu ka jawaabo su’aalo dhowr ah oo ay kamid ahay inuu saamayn ku lahaa Maxamed dowladdii Farole marka laga hadlayo go’aamada waaweyn, wuxuuna kaga jawaabay inay tahay waxyaabo kutiri kuteen ah oo ay fidiyeen shakhsiyaad ku fashilmay hogaaminta dalka.

“Anigu Muwaadin reer Puntland ah baan ahay xaq ayaan u leeyahay inaan xil ka qabto, aqoon baan u leeyahay muddo ayaan kusoo jiray siyaasadda, hadii marka Aabahay Madaxweyne noqday waxaan oran karaa waxay ahayd nasiib la iigu daray midkii aan lahaa, waxaana anigu qabaa marka la ii fiiriyo aqoontayda iyo mudada aan siyaasadda kusoo jiray inay igu yarayd xilalka aan qabtay marka la fiiriyo halka uu Adduunku marayo iyo dadka maanta xilalka ka haya Puntland iyo Soomaaliya, marka arrintaas waa mid siyaasadeed waxaana ka dambeeyay shakhsiyaad hadda ku fashilmay siyaasadda,” sidaas waxaa yiri Maxamed Cabdiraxmaan.

Siyaasiga ayaa sidoo kale waxa laga weydiiyay sababta uu uga soo dhex muuqan waayay xukuumadda Madaxweyne Gaas, wuxuuna kaga jawaabay in go’aanka uu leeyahay cidda hogaanka haysa, balse wuxuuna nasiib ku tilmaamay inuusan kamid noqon dowladd uu sheegay inay ku fashilantahay dhinacyada amniga, hormarka, dhaqaalaha iyo u adeegidda shacabkeeda.

Hadalka Maxamed Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadaya xilli gudaha Puntland iyo dibaddaba ay ka socoto loollanka loogu jirto doorashada la filayo inay dhacdo sannadka soo socda, taasoo mar kale lagu salayn doono hab qabiil maadama xukuumadda hadda jirta oo ballan qaaday inay sannadka ugu horeeyo hirgalin doonto nidaamkii axsaabta ay ku fashilantahay qorshahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM