Musharax Cali Xaaji oo ka maqan Liiska musharaxiinta aqalka sare ee Barlamanka Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Kadib markii Madaxweynaha Puntland shaley galab 8 October, 2016  ku dhawaaqey liiska musharaxiinta u taagan aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia ayaa dadka loo magacaabey iney u tartamaan xubinimada xildhibaankaan waxaa ka maqan musharax Cali Xaaji Warsame oo horey u ahaan jirey wasiirka waxbarashada xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Cali Xaaji Warsame oo ku dhawaaqey dhowaan inuu kamid yahay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ayaa codsi ah inuu ka mid noqdo xubin aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia waxaa uu yaaley xafiiska Madaxweynaha dowlada Puntland isagoo haysta tageerada Odey dhaqameedka beeshiisa, ganacsato iyo dadka kale oo muhiim ah kuwasoo dhamaantood kasoo jeedaan gobolka Mudug.

Musharax Cali Xaaji oo taariikhdiisa siyaasdeed ku darsada inuu kamid ahaa dadkii suuragaliyey in isbadal ka dhaco Puntland ayaa sidoo kale kamid ahaa musharaxiinta Madaxweynaha Puntland 2014 u tartamay xilkaan isagoo dhamaan codadkii uu heley ku wareejiyey Madaxweyne Gaas taasoo u suurtagalisey in Hal cod kaliya  kaga guuleysto Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole.

Madaxweynaha Puntland oo liiska dadka u tartamaya aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia  kuwasoo tiradoodu gaareyso 30 qof ayaa xubinta beesha Cumar Maxamud [ Majeerteen] kaga qoran aqalka sare u magacaabey Yaasin Cabdi Seed oo horey u ahaan jirey xildhibaan ka tirsan aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Yaasin Cabdi Seed oo Madaxweyne Gaas siyaasad ahaan aad isugu dhow yihiin ayaa xubintaan xildhibaanimada markii hore kala wareegey Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas markii uu ku guuldareystey doorashada Madaxweynaha Federaalka sanadkii 2012.

Dhinaca kale liiskaan musharaxiinta u tartamaya xilkaan ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin iyo ganacsato muhiim ah kuwasoo ay kamid yihiin madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia, Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashid [ Musharax], Gen. Maxamad Siciid Morgan, Cabdirizaq Cismaan Xasan Jurile xildhibaan ka tirsanaa Barlamanka Federaalka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku-xigeenkii Barlamanka Federaalka waqtigiisu dhamaadey, Mahad Daahir Shiikh Nuur Ganacsade/Siyaasi, siyaasi Cali Ismaaciil Cabdi Giir, Ganacsade/ Siyaasi Maxamud Cabdi Maxamud ' Mashruuc' iyo xubno kale.

Liiska u tartamyaasha aqalka sare Barlamanka Federaalka Somalia oo muddo badan laga sugayey Madaxweynaha Puntland ayaa dadka la socda siyaasada gobolka kuwasoo warsidaha GO xiriira kala duwan la sameeyey waxay rumeysan yihiin inuu yahay mid dadka ku soo baxey musharnimada xilkaan yihiin  kuwa ka bixi kara howlaha muhiimka ah ee horyaala guud ahaan qaranka Somalia gaar ahaan maamulka Puntland kasoo in muddo ah dhibaato ka haysatey siyaasiyiinta uga qayb gala Heer Federaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM