Nooca doorasho ee Puntland "diidan tahay" in ay Soomaaliya ka dhacdo

Image

GAROWE, Puntland – Puntland waxay diidan tahay in doorashada soo aadan ee Soomaaliya ay noqoto qof iyo cod lagu saleeyay hanaanka awood qeybsiga beelaha, sidda uu shaaca ka qaadey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni ayaa hadaladaas ka sheegay Shirweynaha Urur Siyaasadda xukuumadiisa ee KAAH oo Sabtida maanta ah ka qabsoomay caasimadda Garowe.

Nidaamka asxaabta badan ayuu ka dhawaajiyay in uu ahaa hiigsi ay Puntland ku taameysay tan iyo aas-aaskeeda, isagoo tibaaxay in madaxdii talada isaga kala dambeysay ay ka shaqeynayeen taabagelintiisa.

Shacabka Puntland ayuu carabka ku adkeeyay in ay ka muuqato rabitaan badan oo ay u qabaan nidaamkan, isagoona ku bogaadiyey.

Talaabada ay Puntland qaaday ee awooda dib loogu celinayo gacanta dadweynaha si madaxdooda u doortaan ayuu rajeeyay in ay hormuud u noqon doonto guud ahaan Soomaaliya inteeda kale.

"Puntland mararka qaarkood waxaa la leeyahay 'Puntland qof iyo cod ma rabto'; Puntland hadeysan rabin maanta shaqadan ma qabateen laakiin waxay diidan tahay nidaamkii laga gudbay ee qabaliga ahaa iyo doorasho qof iyo cod isku dhex-qaldeenaa, taas ma ogolin," ayuu ku nuux-nuux saday, isagoo si cad u sheegay in Puntland ay "ka guurtay" 4.5 aysana aqbaleynna in dib loogu laabto.

Wallow uu u rajeeyay in mustaqbalka dhow ay gaaraan, caqabada qaybo kamid ah dalka ka hortagaan doorasho qof iyo cod ah ayuu ku qeexay nabad-gelyo la’aanta ka jirta oo xoogaga Al-Shabaab ay sababeen.

"Puntland waxay diyaar u tahay in ay hirgeliso [qof iyo cod], iyo Soomaaliya inteeda kalena ay gacan ka geysato xilliga ku haboon," ayuu xusay.

Sharciga doorashooyinka ee go'aanka la isku khilaafay uu kasoo saarey baarlamaanka federaalka isla markaana gedaal ka riixeyso Villa Soomaaliya ayaa xeerinaya in coddeynta 2020-21 noqoto qof iyo cod lagu saleeyay hanaanka qabiilka 4.5, taas oo diidmo xoogan laga muujiyey.

Dhanka kale, Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saarey in dhismaha Urur Siyaasadeedka KAAH ay ku baxday hanti dowladeed.

Xubnaha urur siyaasadeedka KAAH ayaa madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni u doortay gudoomiyaha rasmiga ah ee ururkaas, halka ku xigeenada 1-aad iyo 2-aadna loo doortay madaxwayne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Gudoomiyaha barlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Puntland ayaa horey hormuud ugu noqotay nidaamka federalka oo haatan si wadar ogol ah uga hirgalay geyiga Soomaaliya, waxaana haatan muuqaneysa in ay hogaanka u qabaneyso nidaamka xisbiyadda oo loo hamuun qabo.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM