Norway oo sare u qaadeysa wadashaqeynta Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Norwey ee Soomaaliya Ms Elin Bergithe Rognlie iyo wafdi la socda oo Puntland soo gaaray.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo weftiga Safiiradda ayaa qaatay kulan balaaran oo looga hadlayo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda Dowladda Norway ay ka fuliso gudaha Puntland.

Kulanka Kadib Madaxweynaha iyo Safiiradda ayaa si wada jira war-fidiyeenka ugu faahfaahiyey dulucda shirkooda.

"Waxaan Dowladda Noorwey uga mahadcelinaynaa mashaariicda faraha badan ee ay ka fuliso guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa horumarineed ee Puntland ka socda qeybahooda kala duwan, mashaariic fara badan oo dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka ah oo hana qaaday, waxaan sidoo kale rajaynayaa in mustaqbalka iyo mashaariicda soo socotana gacan weyn ka gaystaan kuwa guud ee ay kala qeyb qaataan hay'addaha UN-ka, EU-da iyo hay'addaha kale, sidoo kale waxaan rajaynayaa in ay mashaariic badan dowladda iyo kobcinteeda maamulka iyo hormarinta guud qeyb ka qaadan doonaan," ayuu yiri Deni.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Norwey uga mahadnaqay wadashaqaynta wanaagsan ay leeyihiin Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxaana uu sheegay inuu rajaynayo in wadashaqayntaasi intaa kasii wanaagsanaato.

"Waxaan rajaynayaa in xiriirka Norway la leedahay Soomaaliya uu noqon doono mid wanaagsan oo sii waara, waan uga mahadcelinaynaa garab istaaggoodii muddada dheer, guud ahaan Soomaaliya ay garab taagnaayeen, waxaana rajaynanaa in wada-shaqaynteenu noqon doonto mid wanaagsan oo labada dhinacba isfahan iyo horumarka guud ka dhasho," ayuu xusay.

Safiiradda dalka Noorwey ee Soomaaliya Ms. Elin Bergithe Rognlie ayaa dhankeeda ka mahadnaqday qaabilaadda wanaagsan ee uu Madaxweynaha Puntland ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Garoowe.

Rognlie ayaa dhinaceeda waxay caadaysay in Norwey iyo Soomaaliya leeyihiin wadashaqayn wanaagsan ayna halkiisa kasii amba qaadayso dowladeeda.

Dhanka kale, Safiiradda ayaa waxay si cad daboolka uga qaadey in ay sii wadi doonaan wada-shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa dalkeeda iyo dowladda Puntland.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka federaalka ee ka hanaqaadey Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Deni waxaa isa soo tarayey danjireyaasha tegaya Garowe.

Norway oo kamida saaxiibada caalamka ee taageerada xoogan ku bixiya dowlad-dhisida Soomaaliya ayaa sidoo kale fulisa mashaariicyo lagu horumarinayo dadka iyo degaanka.

Puntland State House

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM