​PHA, PSU iyo Guddiga Qandaraaska oo beeniyay arrimo la xiriira musu-maasuq

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shir jaraa'id oo maanta warbaahinta ugu qabteen magaalada Garowe, mas'uuliyiin katirsan hay'adda Jidadaka Puntland ee PHA, Guddiga Qandaraasyadda Puntland iyo madaxa Jaamacadda PSU, ayay uga hadleen warbixin dhawaan lagu daabacay Mareegaha Internetka taasoo ka hadlaysay musuq-maasuqa mashaariicda ee ka jira deegaanada Puntland.

Warbaahinta, ayaa tixraac ka dhiganaysay buug 04 November, 2016 lagusoo bandhigay Jaamacadda [Puntland State University], kaasoo lagu faah-faahshay noocyada musuq-maasuqa ee ka jira Puntland, waxaana lagu muujiyay sida dowladdu ugu lug leedahay farogalinta lagu sameeyo mashariicda iyo waliba inta hab ee la isu daba mariyo.

Guddoomiyaha Jaamacadda PSU, Maxamud Sheekh Xaamid oo kamid ah xubnaha shirka Jaraa'id qabtay, ayaa xusay in si khaldan loo isticmaalay buugga Jaamacadda islamarkaana laga marin habaabiyay ujeedkiisii, wuxuuna intaas ku daray in shakhsiyaadkii isticmaalay dhinaca sharciga la aadi doonaan.

Cilmi baarista Jaamacadda PSU, oo dad badan lagu waraystay, ayaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay ku jirto, shaqo siinta hay'adaha dowladda, dowladaha hoose iyo hababka loo musuq-maasuqo mashaariicda.

Waxaa lagu muujiyay [Research], in dowladdu si toos ah farogalin ugu samayso mashaariicda iyo waliba xayaysiinta, sida ku cad nuqulkan hoose oo kamid ahaa  cutubka ka hadlayay noocyada Musuqa ee ka jira Puntland.

"ka qayb galayaashu waxaa ay isku raaceen in qandaraas bixinta dowladdu ay tahay mid uu ragaadiyey musuqmaasuq aad u balaaran. Waxaa ay bixiyeen tusaaleyaal la xiriira siyaabaha uu ku dhaco masuqmaasuqu bixinta qandaraasyada. Xubnaha dowladda wakiilka uga ah qandaraasyada waxaa ay la wadaagan xogta qandaraasyada kaliya xubanaha ay isku qabiilka yihiin ama ay saaxiibada yihiin taasi oo meesha ka saaraysa in la helo hay‟ado badan oo awood u leh fulinta iyo taaba galinta qandaraaska, waxaana ay ka qaataan hay‟adaha iyo xubnaha ay siiyaan qandaraasyada laaluush (bribes). Sida ay xubnuhu sheegeen waxaa uu qandaraas qaatuhu bixiyaa marka la saxiixo qandaraaska lacag ku salaysan wadarta guud ee ku baxaysa qandaraaska. Waxaa jira sadex marxaladood oo musuqmaasuqa qandaraasyada la xiriira uu u dhaco waxaana ka mid: baahiinta qandaraasa, qiimaynta iyo kala saarka dadka/hay‟adaha ugu haboon ee fulin kara qandaraaska (advertisement, shortlisting, checking eligibility), kormeerka iyo la socoshada hab fulinta shaqada iyo inay waafaqsan tahay heshiiska (monitoring and evaluating the work),"Sidaas waxaa lagu yiri Cilmi baarista ay samaysay Jaamacadda PSU.

Xoghayaha Guddiga Qandaraasyadda Puntland, Cabdiqani Dhaashane, ayaa isna xusay in si khaldan loo isticmaalay magaciisa iyo sawir uu leeyahay, wuxuuna beeniyay waxyaabaha laga qoray hay'addiisa.

Guddoomiyaha PHA, Maxamud Cabdinuur, ayaa cadeeyay in saxaafaddu samayn karto baaritaan [Investigation], balse wuxuu xusay in si cadaalad ah loo sameeyay xayaysiinta mashruuca lagu dhisayo wadad u dhaxaysa Garowe iyo Galkacyo, isagoo sharaxaad ka bixiyay cidda sida tooska ah ugu lug leh mashruucan.

Hadalkan, ayaa kusoo aaday xilli 17 November, 2016 hay'addu shaacisay 4 shirkadood oo kusoo baxay qandaraaska dhismaha qayb kamid ah jidka isku xira Garowe iyo Galkacyo, kuwaasoo kala ahaa; IS-XILQAN, ALBAASHAT, ELGAR iyo JIPCON, waxaana saddex kamid ah iska leh shakhsiyaad Jifi hoose la ah, Madaxweynaha Puntland, Guddoomiyaha PHA iyo madaxa mashaariicda dowladda.

Tallaabadan ayaa saldhiganaysa Cilmi baarista Jaamacadda PSU oo sheegaysa in mashaariicda dowladda gacanta loo galiyo shakhsiyaadka ka agdhow xubnaha ku jira hay'adahaasi oo si hoose loogu sheego mashaariicda iyo qaabka ay ugu soo bixi karaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM