​Puntland: 2 qof oo biyo la'aan u geeriyooday

Image

GAROWE, Puntland- Labo qof ayaa la xaqiijiyay inay u geeriyoodeen biyo la'aan ka taagay qaybo kamid ah gobolka Karkaar ee maamulka Puntland, halkaasoo muddooyinkii dambe ku yaraayeen roobabku.

Guddoomiyaha degmada Bandar-bayla, ayaa Radio Garowe u sheegay in halka lagu magacaabo Dhuudo deegaano hoos yimaada ku dhinteen labo qof oo isugu jira waayeel iyo carruur kuwaasoo u qur baxay harraad dartiis.

Siciid Aadan Cali Anteena, ayaa intaas ku daray inay jiraan dad kasoo xarooday abaaraha ka jira miyiga kadib markii ay ka dhammaadeen hantidii ay dhaqanayeen, isagoo xaaladda jirta ku tilmaamay mid halis ah.

Anteena, wuxuu intaas ku daray in dadaala samatixibinta ee socda yihiin kuwo yar, isagoo dhaliil usoo jeediyay hay'adaha Care iyo Hadma oo ku dhaliilay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibka halkaas ka taagan.

Dhawan ayay ahayd markii Ilmo yar harraad dartiis ugu geeriyooday deegaan katirsan degmada Eyl ee gobolka Nugal.

Sarkaal katirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa GO u sheegay in maalinta Isniinta ee soo socota Garowe lagu qaban doono shir-weyne looga hadlayo gurmadka abaarta ka jirta deegaanada Puntland.

9-ka gobol ee Puntland, ayaa dhammaantood isku mid ka ah dhinaca Abaarta sida ay noo sheegeen saraakiisha wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxaana hadda socda qiimayn ku aadan meelaha dhibka ugu daran.

Warbaahinta Radio Garowe, oo fadhigeedu tahay magaalada Garowe, ayaa laga bilaabay barnaamij tabarucaad ah kaasoo lacag loogu aruurinayo dadka dhibaataysan ee ku sugan gobollada Puntland, gaar ahaan dhinaca Miyiga, iyadoo hadda bootada biyaha ah la siinayo qiimo gaaraya $350, waloow meelaha qaar helisteeduba adagtahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM