​Puntland: Baahi ka jirta dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe [Xog]

Image

GAROWE, Puntland- Intiinii la socotay warbixintii hore ee warsidaha Garowe Online Jimcihii [22 September, 2017], ka qoray xaaladda Garoonka diyaaradaha caasumadda Puntland gaar ahaan halka uu marayo iyo qaabka u ku bilowday, waxaan qaybtan diiradda ku saari doonaan baahiyo muhiim ah oo hortaagan in garoonka shaqadiisa la dhammaytiro islamarkaana uu noqdo mid caalami ah.

Xogtan uu Garowe Online ka helay shirkadda dhisaysa garoonka diyaaradaha Garowe ayaa sheegaysa in kharashka hadda gacanta lagu hayo uusan kaafin karin baahiyo dhowr ah kuwaasoo la’aantood Madaarkan cabaqad ku noqon doonto isticmaalkiisa islamarkaana diyaaradaha qaybtood ku adkaan doonto inay kasoo dagaan.

Arrimaha ugu muhiimsan ayaa warbixintu kusoo koobtay saddex baahiyood kuwasoo shirkadda dhisaysa Garoonka ay u aragto mid aan sinaba looga baaqsan karin daboolisteeda, waxayna ku baaqeen in dowladda iyo shacab-ba loo istaago sidii loo dabooli lahaa.

Dal-dalooladan iyo kharashaadkan ayaa soo baxay xilli aan wali war cad oo diidmo iyo bixin ah laga helin Kuwait Fund oo ku deeqday lacagtii lagu dhisay wajigii hore garoonka diyaaradaha Garowe, balse dedaal dheer shacabka shacabka ku nool gobolka Nugal iyo madaxtoodu ka shaqeeyaan sidii uu garoonkan uu dhismihiisu usii socon lahaa.

Inkastoo taasi jirto hadana shirkadda ayaa u aragta shacabka Puntland iyo dowladoodu inay mar kale bixin karaan baahidaan oo kharashka kaafin kara uu ku dhowyahay 600 kun oo dollar.

376 kun ayaa shirkaddu sheegtay inay ku baxayso Calaamadaynta Run Way-ga, waxaana 296 kun oo kamid ah lacagtaas waxaa lagusoo iibin doonaa qalabka (Material) loo baahanyahay in loo isticmaalo Rinjiyaynta wadada diyaaraduhu ku ordaan.

Lacagtaas 80 kun oo kamid ah oo ku bixin lahayd farsadama ama gacanta dadka ka shaqaynaya howshan waxaa ku deegday shirkaddan laga leeyahay Turkiga ee gacanta ku haysa Madaarka Garowe.

Warbixintan ayaa baahida iminka taagan u kala saarta saddex qaybtood oo kala ah;

Calaamadaha iyo Rinjiga Dhabada Diyaaraduhu ku ordaan;

Tani waa qaybta ugu muhiimsan garoonka islamarkaana ay adagtahay in diyaaraduhu aqoonsadaan goobaha lagasoo dagayo iyo halka la istaagayo. Waxay muujinaysaa in duuliyuhu si waadax u arki karo qaybaha (Run Way). Sidoo kale qaybtan la’aanteed waxaa adag in garoonkan oo la qorsheeyay inuu noqdo mid caalami ah ay kusoo dagaan diyaaradaha loo yaqano Jet-ka ee aadka loo ilaaliyo.

Balse hadii sidaan uu iminka yahay loo daayo waxaa kusoo dagi kara oo kaliya diyaaradaha waaweyn ee leh Marawaxadaha kuwaasoo aysan dhibin boorka iyo waxyaabaha kale.

Dayactirka Terminalka;

Garoonka ayaa iminka leh Terminal ay dhistay xukuumadii hore ka hor inta aan la bilaabin dhismaha Airport, balse waxaa hadda ka muuqday dayac xoog leh, bur bur isagoo sidoo kale u baahan qalabayn. Shirkaddu waxay sheegaysaa in Terminalkan aan sida uu hadda yahay lagu isticmaali karin, balse loo baahanyahay in dib u dhis, dayactir iyo qalabayn lagu sameeyo.

“Terminalkan ma anfacayo garoonkan, waayo waxaa lagu talo jiraa inuu noqdo mid caalami ah, sidoo kale uma cuntamayo dadka kasoo dagaya Airport-ka waxyaabo badan ayaa ka dhiman oo ay kamid tahay in la hagaajiyo meelaha ay marayaan dadka socdaalka ah, fiiri hadda boor ayaa ka dhacaya, kuma wanaagsanaya in boorsooyinka iyo xitaa qofka safarka ah uu kusoo maro jawi wanaagsan, waa qayb muhiim u ah casriyaynta garoonka Garowe.” Ayay warbixintan ku sheegtay shirkadda dhisaysa Garoonka Garowe.

Waxay intaas ku dartay in muhiim tahay in la qurxiyo Wajahadaha Terminalka qaybta hore iyo tan dambe si uu noqdo mid soo jiita dadka imaanaya garoonka.

Hagaajinta wadada isku xirta Laamiga iyo Garoonka;

Wadada kasoo leexata laamiga weyn ee isku xira magaalooyinka Puntland ayaa ah mid u baahan hagaajin sababtoo ah hadda waxaa Jay oo kaliya, sidoo kale waxay u baahantahay in loo sameeyo dhirayn iyo qurxin, sida ay Xogtan GO ugu sheegtay shirkadda gacanta ku haysa dhismaha Madaarka.

“Si loo dhiso jidka isku xira garoonka iyo laamiga weyn, waxaa loo baahanyahay lacag gaaraysa 200 kun oo kaliya, waliba shaqadeeda iminka ayaa la bilaabi karaa hadii la helo kharashkaas,” Ayay tiri shirkadda oo intaas ku dartay in qalabkeedii ay ku dhisaysay wadada diyaaraduhu isticmaali doonaan in meel la dhigay oo hadda ay shaqo la’aan yihiin maadama la adeegsanayo iminka qaybta Daamurka, “Qalabkeenii dhisi lahaa oo aan horay ugu adeegsan jirnay Run Way-ga iminka meel ayuu yaalaa oo wax shaqo ah ma hayaan, marka waa fursad in loo isticmaalo waxyaabaha ka dhiman garoonka.”

Shirkadda ayaa ka digtay in arrintan daboolisteeda lala dib dhaco iyadoo sabab uga dhigaysa inay ku adkaan doonto waqtiga la dhammaystiro shaqada ay iminka hayaan, “Hadda Daamurka ayaan gacanta ku haynaa, hadii aan dhammayno waxaan diyaar u nahay in qalabkeena u diyaarino sidii loo qaadi lahaa, sababtoo ah hadii aysan shaqo hayn sabab ay halkan usii yaallaan majirto, balse markasta anagu waxaan diyaar u nahay inaan garoonka shaqadiisa sida ugu wanaagsan u dhammaystirno, waxaana mar labaad ku baaqaynaa in lagawada shaqeeyo sidii loo ebyi lahaa waxyaabaha dhiman.”

Baarkinada Baabuurta;

Warbixtan waxay sidoo kale xustay in loo baahanyahay qayb kamid ah garoonka in loo diyaariyo halkii la dhigan lahaa baabuurta dadka isticmaalaysa garoonka, waxaana shirkadu xustay inay tahay arrin muhiim ah oo waliba muujinaysa hadii la sameeyo in Madaarku yahay mid caalami ah.

Ugu dambayn shirkadda ayaa bogaadisay tallaabadii wanaagsanayd ee ay qaateen maamulka Puntland, ganacsatada iyo dadweynaha ku nool gobolka Nugal, iyadoo mar kale ugu yeertay inay haystaan fursad ay kusii wadi karaan ka shaqaynta iyo isku tashiga danahooda.

Dhammaadkan sannadkan ayaa la filayaa in la dhammaystiro shaqada Garoonka diyaaradaha Garowe oo howshiisa la bilaabay in sannadkii hore bishiisii Labaad, waxaana dhismahan ku farxay shacabka Puntland oo u arkayay in laga fayday mid kamid ah caqabadihii ugu adkaa ee ka haystay dhinaca safarka, balse rajadan ayaa rumoobi karta sida shirkaddu sheegayso marka laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa kharashkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM