Puntland: Camey oo hay'ado ku eedeeyay Buun-buuninta Kufsiga

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, oo maanta ka qayb galayay munaasabad lagu xusayay 16 maalmood ee loo asteeyay xuska tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa eedeeyay hay'adaha shisheeye ee ka howl gala dalka.

Camey ayaa tilmaamay inuu tacsi u dirayo cid kasta oo dhibaato kasoo gaartay Kufsiga, isagoo sheegay in qofkii lagu helo dambigaas ciqaab adag la marin doono. Dowladda ayuu xusay inay dedaal ku bixisay sidii loo yaran lahaa tacadiyada ka dhanka ah Dumarka, isagoo sheegay inay sameeyeen Laab lagu baaro kufsiga iyo dambiyada la xariira.

Wuxuuse tilmaamay in muddooyinkii dambe ay aad u badanaysay hadal haynta Kufsiga iyo la dhibaateeyo dumarka, taasina xaqiiqda marka laga hadlayo laga bad-badiyay oo ay dano gaar ah ka leeyihiin hay'adaha shisheeye ee dalka Jooga.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa carrabka ku dhuftay in hay'adahaas ay doonayaan sidii ay lacago ugu raadsan lahaayeen abuurista Dambiyada la xariira Kufsiga isagoo soo hadal qaaday inay jiraan Dumar afka loo galiyay in qirtaan xad gudub la xariira galmo Sharci darro ah iyadoo laga faa'iidaysanayo baahida ka jirta dalka iyo sida dadka Soomaaliyeed u xiiseeyaan aadista Qurbaha.

"Anigu Qariya malihi laakiin ha laga run sheego, Puntland iyo Soomaaliya waxaa ka dhacda Baryahan dambe in hay'ado sacabka inoo garaacaan been been oo ay yiraahdaan, Kufsi aan la kufsan sheeg oo waxaad tiraahdaa waa la i kufsaday, si dhaqaale ama Qurbe Ilaahay baa umaddii Soomaaliyeed Qurbe jecleysiiyay ee Qurbaha loogu qaado," sidaas waxaa yiri Camey oo kusii daray, "War ILAAHAY yaan laga fogaan."

Isagoo sii hadlaya wuxuu intaas ku daray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, "Haa waa dhacday in dad aan waxba ku dhicin ay yiraahdaan waa la kufsaday gabadheenii oo 7 jir ah ama 8 jir ah ama Dhowr iyo Toban jir ah, markii dowladdu baartay la waayay oo ay been noqotay."

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay inay ka digtoonaadaan arrintan oo aysan sumcad darro usoo jeedin dowladooda islamarkaana ka fogaadaan inay faafiyaan warar aan jirin.

Hadalkan ayaa Madaxweynuhu sheegay xilli ay joogeen saraakiil ka socotay hay'adaha ka shaqeeya barnaamijyadan iyo waliba kuwa u dooda xuquuqul insaanka.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay jireen kufsiyo ka dhacay deegaanada Puntland ay noqdeen kuwo caanbaxay kadib markii qaybtood lagu faafiyay baraha bulshada, halka dhawaan Askari katirsan dowladda uu dhaawacay gabar xilli ay sheegtay inuu rabay inuu kula kaco Kufsi. Balse Puntland ayaa dhawaan meelmarisay xeerka Kufsiga taasoo loo marayo shakhsiyaadka lagu helo dambi caynkaas ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM