Puntland: Camey oo ka hadlay Musuq-maasuqa iyo colaadda Tukaraq [Dhageyso]

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa bixiyay wareysi dheer oo uu uga hadlay arrimo badan, oo ay kamid yihiin colaadda gobolka Sool, amniga iyo Musuq-maasuqa.

Wareysiga oo uu siiyay TV-ga RTN ee xaruntiisu tahay magaalada Nairobi, ee dalka Kenya ayaa Camey diiradda ku saarey qodobo muhiim ah, oo xilligan ka taagan Puntland.

Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland -

Madaxwayne Camey ayaa waxaa su'aal laga weydiiyay mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland, kaasoo hakad uu ku yimid, waxaana warar soo baxay ay sheegayeen inuu ujoog-saday musuq-maasuq baahsan oo lagu sameeyay mashruuca.

Warsidaha Garowe Online ayaa bishii lasoo dhaafay baahiyay macluumaad sir ah oo ku saabsan musuq-maasuqa Mashruuca JPLG. [Halkan ka akhri Warbixinta].

Laakiin, Camey ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas, isagoo tilmaamay in haba yaraatee inaanu wax is-dabamarin ah lagu sameynin mashruucaan, wuxuuna tilmaamay in kaliya sababta hakad gelisay ay tahay Deeq-bixiyaasha oo dhaqaalaha jartay.

Ma uusan faahfaahin sababta keentay in Deeq-bixiyaasha ay joojiyaan lacagta, laakiin wuxuu kusoo koobay inay tahay dhaqaalo yar uu sheegay inay "ku dhacday" dalalkii iyo Hay'addahii laacagta ku bixin jiray mashruucaan faca wayn.

Labo waji ayuu horey u lahaa mashruucaan, waxaana qorshuhu ahaa in Wajiga 3aad uu furmo bishii July ee lasoo dhaafay, xili uusan wali furmin, taasoo keenay shakiga ku aadan inuu musuq dartiisa u joogsaday mashruucan.

Mar Madaxwayne ku xigeenka arrintaas si gaar ah wax looga waydiiyay ayuu ku jawaabay: "Dib u dhaca ku yimid in wajiga 3aad ee mashruuca uu bilowday waxaa loo fasiran karaa labo siyaabood; waji xun iyo mid wanaagsan, marka inaga waxaan u qaadaneynaa kan fiican".

Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland oo mudo ku dhow 10 sano ka shaqaynayay degaanada Puntland, kaasoo hadda hakad uu ku jiro ayaa waxaa ku baxday lacag ka badan Saddex Milyan oo Dollar, sida uu ka dhawaajiyay Mudane Camey.

Camey oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu mar kale ku adkeystay hadal uu horey uga dhawaajiyay kaasoo uu ku eedeeyay Hay'addaha mashaariicyadda in xiliyada ay soo dhawaato doorashooyinka ay Hakad geliyaan, sida hadda dhacday.

"Reer [Baadiyuhu] wuxuu yiraahdaa Oodu waa qaadis iyo Jiidid, marka waxaan leeyahay halka aad wax uwadaa waa reer Puntland. Hadda keena ama gadaal ka keena, waxaana rajeynaynaa in dhamaadka sanadkaan ama bilowga kan kale ay imaan doonan mashruucyada," ayuu xusay.

Waxaa jira warar leysla dhex-marayo oo sheegaya in Hay'addaha deeqda bixinayay ay u joojiyeen mashraaciiyadda shaki ay ka qabeen in lacagaha loogu talagalay ay u wareegsadaan madaxda dhinaca doorashooyinka, taasoo Madaxwayne ku xigeenka Puntland uu beeniyay.

"Taasi horey uga dhicin, mana dhici doonto, mana nalooga baran. Waxaana ku adkeysanayaa hadalkii aan Idaacadaha iyo Telafishinada ka sheegay oo ahaa inay joojiyaan mashaariicyada marka doorashadu soo dhow-dahay taasoo ah wax dhacay, soona dhici jirtay, hadana dhaceysa.

- Amniga Puntland -

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay maamulka Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] amniga Puntland waxa uu ahaa mid sii xumaanayay, waxaana tusbax afka furtay noqday dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas'uuliyiinta, Askarta, Wax-garadka iyo Ganacsatada.

Intaas waxaa dheer, in Al-Shabaab iyo Daacish ay Saldhigyo ka sameysteen degaanada Puntland, gaara ahaan gobolka Bari, halkaasoo weeraro joogta ay ku hayaan ciidamada difaaca Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta uu jiro maamulka Cabdiweli Gaas, Puntland waxaa ka dhacay weerarkii taariikhda abid ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ee hal jeer ku dhinta, waana midkii lagu qaaday Saldhiga Af-urur, ee bishii June, 2017.

Intaan oo dhan oo ay jiraan, ayaa Madaxwayne ku xigeenka Puntland waxuu kasoo qaaday waxba kama jiraan, isagoo sheegay in degaanada maamulka ay yihiin kuwa amnigooda leysku halayn karo, wuxuuna tilmaamay in dilalka ay yihiin kuwa teel-teel ah.

"Waxaa wanaagsanaan lahayd in sida uu yahay amniga Puntland aad waydiisyo Ra'iisul Wasaare Khayre, Gollahiisa Wasiiradda iyo Xilldhibaanada Federaalka, iyaga ayaa si fiican kaaga jawaabi lahaa. Laakiin, weerarada iyo dilal meel walba oo caalamka ah ayay ka dhacaan," ayuu Camey si cad daboolka uga qaaday.

- Xaaladda Gobolka Sool -

Waxaa jiray warar sheegaya in Beesha Caalamka ay ku cadaadinayaan maamulada Puntland iyo Somaliland inay xal-waara ka gaaraan colaada gobolka Sool, gaar ahaan Tukaraq, taasoo uu Camey xusay in mar walba ay diyaar u yihiin dhankooda Nabada.

"Waan maqlayaan in siyaasiyiinta Somaliland ay nabad ku baaqayaan, laakiin nabadooda ma ahan mid sii jiraysay. Inagu waxaan dooneynaa nabad waarta. Dhulka Sool iyo Tukaraq waa Puntland, dowladuna waa Puntland, qoor-qabashana nabad kuma qaadaneyno," ayuu raaciyay.

Camey oo si gaar ah su'aal looga waydiiyay hadal horey uga soo yeeray isaga, kuwaasoo uu dhaliilay Beesha uu kasoo jeedo ayaa waxa uu tilmaamay in ujeedkiisu uu ahaa inuu "gobaabiyo" taasoo uu tilmaamay inay hadda "suuragashay".

"Marka aan lahaa Dhaqaalo ahaan uma muuqano ciidan ahaana uma muuqano waxay ahayd inay keenan Lacag iyo ciidan, taasoo hadda aan helnay, wayna sii soconeysaa, ma ahan waxa soconaya dagaalka, ee waa dhex-dhaxaadinta Beesha Caalamka," ayuu daba dhigay.

Reerka uu asal ahaan kasoo jeedo Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa la sheegayaa inuu haatan yahay mid kala qob-qobsoomi badan ay ka muuqato, waxaana Camey lagu eedaynayaa inuu u guul dareystay inuu isku keeno, inkasta oo uu iska difaacay.

"Taasi waxaa ka leeyahay waa wax horey usoo jiray, hadii la leeyahay fashil, aniga kuma fashilmineen dadkii iga horeeyay ayaa eeda iska leh, hadii fashi laga tagayana waxaan leeyahay waa wax asal ah oo Bani'aadamka usameysan yahay marka siyaasad laga hadlo.

Maamulka Khaatumo ayaa waxa uu ukala jabay labo dhinac, waxaana garab uu ku biiray Somaliland, halka kan kale ubiiray Puntland, waxaana Camey la su'aalay waxay taasi sababay iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Khaatumo ee ku sugan Garowe uusan maamulkiisa ugu dhawaaqin inay midoobeen.

"Horta, kala go'o waxay qayb ka tahay isbedalka siyaasada ee caalamka ka jira. Waxaana isleeyahay in kuwa ku sugan Garowe aan soo dhawaynay, sababtuna ay tahay markii an aragnay in kala qayb-sanaanta aysan lahayn wax faa'iddo ah, ayna muhiim tahay wadajirka," ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Madaxwayne ku xigeenka Puntland, ayaa la su'aalay hadii ay dhici karto inuu xil u raadsado Somaliland, maadaama horey loo arkay in siyaasiyiin reer Puntland oo markii waqtigooda ka dhamaaday iska dhiibay Hargeysa, halkaasoo Jagooyin looga magacaabay.

"Way jirtaan arrinkaas aad ka dhawaajisay, laakiin ma badna, waxaase aan aan kuu sheegay in aniga aanan xil ama lacag uga baahneen Somaliland, mana usocdo, balse, hadii ay dhacdo in la heshiiyo waan tagayaa Hargeysa, waa dhul Soomaaliyeed," ayuu kusoo xiray.

Camey ayaa su'aallihii la waydiiyay uga jawaabey si furan, oo aan ka leex-leexad lahayn, iyadoo inta badan Siyaasiyiin iyo madaxda dalka intooda badan yihiin kuwa soo diyaarsada jawaabaha Su'aalaha lagu waydiiyo Wareysiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM