​Puntland: Dowlada oo ku fashilantay inay xalliso Jahawareerka Sh. Somaliga

Image

GAROWE, Puntland- Suuqa ugu weyn magaalada Garowe ee dadku ka adeegtaan ayaa saaka waxaa ka jira buuq ka dhashay kala sooca lacagta sh. Somaliga ah kaasoo horay dowladda u sheegtay in xal laga gaaray.

Goobaha ganacsiga ayaa shalay iyo wixii ka horeeyay laga diidayay in la qaato lacagtii hore ee aysan daabicin xukuumadda Puntland, taasoo sabab looga dhigay in dowladdu diiday in lagu qaado Canshuuraha.

Shir dhex-maray ganacsatada iyo maamulka gobolka Nugal goor sii horeysay todobaadkan oo looga hadlay sidii loo xallin lahaa arrintan ayaa fashilmay kadib markii dowladdu diiday inay canshuurta ku qaado lacag sh. Somaliga ah, taasoo markii dambe keentay in la kala sooco iyadoo la diidayo middi hore ee duuga ahayd.

Wariyaha GO ee magaalada Garowe oo saaka goor hore booqday suuqa ayaa ku waramaya inuu jiro buuq keenay in la xiro dukaamo badan, halka wal wal ay  qabaan ganacsato u badan dumar.

Goob jooge la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa yiri, “Suuqa waxaa ka jira xasilooni la’aan waxaa khasab ku furay ciidamo ilaa hadda waardiye ka haya ilaa dhowr baabuur oo Tikniko ah ayaa jooga.”

Mid kamid ah hooyooyinka ku ganacsada suuqa Injida oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegtay sidan, "Dacwo ayaan ka nahay ganacsatada, Dacwo ayaan ka nahay dowladda," Ayay tiri hooyo caraysan oo arrintan ka hadlaysay taasoo warkeeda kusii dartay mar la weydiiyay in cabashadeeda ay kala hadashay dowladda, "Aqal ma haysano, hooy ma haysano.. Madax miyaa jirta, xagee ku aragtay madaxda adigu?, dadkaan iyo dalkaan ALLE ayaa u maqan."

Mid kamid ah ganacsatada suuqa Injida oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa GO u sheegay in dhibaato xooggan ay ka haysato dhinaca dowladda iyagoo lagu khasbayo in lacagta aysan kala soocin, dowladda hoose iyo midda dhexena ay diidayso inay ku qaado Canshuuraha, taasina ay ku tahay khasaaro iyo dhabar jab sidaas awgeed ay door bideen inay xiraan dukaamadooda.

Tallaabadan ayaa dhibaato ku ah shacabka kuwaasoo u muuqda Cowskii ku bur-buray Dibidii hardantay.

Buuqan xukuumaddu kama aysan hadlin marka laga yimaado maamullada gobolka iyo degmooyinka, kuwasoo hishiisyada ay la galaan shacabka u muuqda kuwo jiraya maalmo kooban.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalooyinka Garowe iyo Bosaso ay gil-gileen bannaanbaxyo looga soo horjeed jaawhaareer lacageed ee ka jira deegaanada Puntland iyo jajuubka dowladdu ku wado shacabka.

Ganacsato badan ayaa xabsiga la dhigay mudadii arrintaas jirtay, kuwaasoo lagu eedeeyay inay diideen qaadashada lacagta sh. Somaliga.

Tan iyo markii xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas ay daabacday sh. Somali sharci darro ah, waxaa deegaanada Puntland ka dilaacay sicir barar markii dambe isu badalay in lacagta lakala sooco.

Lama oga halka murankan ku biyo shuban doono, xilli uu kusoo beegmay waqti la isu diyaarinayo Gudasha waajibaadka xajka iyo Ciidul Fidriga.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA DADKA CABANAYA

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM