Puntland: Gaas oo gaarey Galkacayo, Kulamo uu la qaadanayo waxgaradka gobolka

Image

GALKACAYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maalintii shaley 30 June, 2016 gaarey magaalada Galkacayo halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen dadweynaha qaybihiisa kala duwan.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeeyey iyadoo ciidamo Madaxweynaha Puntland kaga soo horeeyey Galkacayo xireen wadooyinka waaweyn.

Madaxweynaha Puntland ayaa Wararka warsidaha GAROWEONLINE soo gaaraya sheegayaan in maanta galinka hore kulamo la qaadanayo xubnaha ka tirsan saraakiisha dowlada Heer gobol iyo degmo kadib_na la filayo in galabnimada Jimacaha shir la qaadan doono qaar ka tirsan waxgaradka gobolka.

Kulamado Madaxweynaha Puntland ayaa diirada saari doono hay'adaha gobolka oo gabi ahaan fadhiid noqdey kadib markii ay wada shaqeyn la'aan iyo musuqmaasuq la soo daristey. Halkan ka akhri maqaal ka hadlaya

Shacabka Mudug ayaa cabasho balaaran ka muujiyey amaanka magaalo madaxda gobolkaan oo faraha ka baxey iyagoo sheegey in xaalada nabadgelyo ee magaalada Galkacayo ay mareyso heerkii ugu hoseeyey tan iyo intii dhidibada loo taagey Puntland Daawo warbixin Somali Chanel ka diyaariyey 

Dadweynaha degan Galkacayo ayaa aaminsan in amni darada jirta sida dilalka lala beegsanayo Haldoorka gobolka , falalka tuugada ah, aanooyinka qabiilka dadka gaystaa u baxsadaan koonfurta magaalada halkaasoo ka arimiso maamulka Galmudug.

''Waxaan jirin wada shaqeyn dhab ah oo aan ka dhex jirin labada maamul ee kala xakuma Woqooyiga magaalada iyo Koonfurta madaama dagaal dhexmarey shacabka labada dhinac balse siyaasiyiinta aysan xal ka gaarin xalinta khilaafkaan" . Sidaas waxaa yiri qof kamid ah dadka dagan magaalada Galkacayo.

Madaxda dowlada Puntland iyo Galmudug ayaa si joogta ah uga qayb gala kulamada looga hadlayo arimaha Federaalka balse sida la rumeysan yahay aan wax wadahadal ka yeelan marna dilalka iyo amni darada ka taagan magaalada Galkacayo.

Magaalada Galkacayo ayaa wararka laga helayo sheegayaan in dadka Hal-doorka ah isaga tageen xarunta gobolka Mudug halka kuwa kale aysan gabalka markii uu dhaco aysan ka soo bixin guryaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa balanqaadyadii uu u sameeyey shacabka gobolka sida wax ka qabadka amniga, dib u dhisida dhul laga burburiyey dadka danyarta iyo xulista dad ka bixi kara shaqada hay'adaha dowlada sida gobolka , Degmada iyo taliska ciidanka Booliska ku guuldareystey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM