Puntland: Gaas oo u safray Brussels xilli Xiisad ay ka jirto Tukaraq

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah u ambabaxay magaalada Brussels ee caasimadda wadanka Belgium-ka.

Safarka Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan Shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee Isniinta, 16-ka bishan ka furmaya magaalada Brussels.

Gaas oo saxaafadda hadal kooban oo ku saabsan safarkiisa ku siiyay Garoonka General Maxamed Abshir ee magaaladda Garoowe, ayaa sheegay in shirka Brussels uu rajeynayo inay kasoo baxaan natiijooyin u wanaagsan Puntland iyo Soomaaliya.

"Maanta waxaan safar u nahay aniga iyo wafdi ila socda oo katirsan Xukuumadda Puntland magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo aan uga qeybgali doono shirkii wadatashiga Soomaaliya [Somalia Partnership Forum] kaasi oo ay isagu imaanayaan beesha caalamka iyo Soomaaliya, loogana hadli doono geedi socodka nabada Soomaaliya," ayuu yiri Gaas.

Safarka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo aadaya xili wali ay xiisada colaadeed ka taagan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo dhowr jeer halkaasi ku dagaalamay tan iyo bishii January ee 2018.

Wajiga labaad ee Shirka Brussels ayaa waxaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku mateli doona Madaxweyne Farmaajo oo saaka kasoo ambabaxay Muqdisho, iyadoo sidoo kale la filayo in Madaxweyniye-yaasha kale ee dowlad goboleedyada gaareen Belgium-ka Berri.

Wakiilo ka kala socda AU, IGAD, EU, UN iyo Hay'ado deeqbixiyaal ah ayaa lagu wadaa inay ka qeyb-galaan Shirka Belgium ee arrimaha Soomaaliya kaasoo furmi doona 16-ka bishan, islamarkaana socon doona mudo labo maalmood ah.

Shirka ayaa dhaqaale loogu deeqi doonaa madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada taasi oo loogu tala galay in wax looga qabto arrimaha amniga dalka, oo loo diyaarinayo Ciidamada qaranka inay mas'uuliyadda kala wareegaan AMISOM 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM