​Puntland “Gacanta ayaan ku haynaa dadkii ka dambeeyay weerarkii Af-urur”

Image

GAROWE, Puntland- Ku dhawaad 72 saac oo mas’uuliyiinta dowladda Puntland ka aamusanyihiin weerar Jimcihii lagu qaaday tuulada Af-urur oo horay loogu laayay ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland, ayaa taliyaha ciidamada Madaxtooyada oo horay u ahaa Kaaliyaha Madaxweynaha Cabdirashiid Cabdiraxiin Ismaaciil uu baartiisa Facebook ku faafiyay inay gacanta ku hayaan dadkii ka dambeeyay qaraxii  deegaankaas ka dhacay maalintii Ciida.

Kabtan Cabdirashiid ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dowladda Puntland  muddo Soddon Saac ah kadib ku guulaysatay inay gacanta ku dhigto dadkii ka dambeeyay weerarkaas oo isugu jira rag iyo Dumar.

“Waxaa farxad weyn ah in dowladda Puntland ay 30 saac gudahood  ay gacanta ku dhigtay shayaadintii ka dambaysay falkii ka dhacay af-Urur maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay,” Ayuu yiri taliyaha ciidamada Madaxtooyada Puntland.

Dadka la qabtay wuxuu taliyuhu sheegay inay isugu jiraan kuwii qaraxa aasay iyo waliba kuwii hagayay markii la qarxinayay, “Kii Qaraxa meesha galiyay iyo qofkii Remote ka ku qarxiyay oo isugu jira rag iyo haweenba,” ayuu hadalkiisa ku daray Taliye Cabdirashiid Cabdiraxiin.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu qoraalkiisa ku daray, “Shacab iyo dowlad isku duuban cidina kama qarsoomi kadho weligaa ka shaqee jabka cadowgaaga.”

Warsidaha Garowe Online oo baaritaan ku sameeyay dadka taliyuhu sheegayo in gacanta lagu dhigay ayaa ogaaday in shakhsiyaadkaas ay ka yimaadeen deegaan lagu magacaabo Cawsane islamarkaana tiradoodu gaarayso 4 qof oo ay ku jirto haween, halka saddexda kale ay yihiin rag.

Xogta Warsiduhu helay ayaa tilmaamaysa in dadka la qabtay uu kamid yahay nin lagu magacaabo Maxamud Xirsi Nageeye oo ah beeralay dhowr jeer oo hore qabteen ciidamadda ammaanka balse ay ku waayeen dambi la xariira inuu kamid yahay kooxda Al Shabaab.

Shakhsiyaadka dowladdu sheegayso inay ahaayeen kuwii qarax ka dambeeyay ayaa lagu qabtay inta u dhaxaysa laamiga iyo tuulada Af-urur, waxaana la sheegayaa inay ku socdeen tuulada Laag oo ku dhow magaalada Bosaso.

Tallaabadan uu Cabdirashiid Cabdiraxiin uu ku sheegayo inay gacanta ku hayaan dadkii mas’uulka ka ahaa masiibadaas ayaa timid xilli saraakiisha dowladda gaar ahaan Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wasiirka Amniga ee dhawaan la magacaabay iyo taliyaasha ciidamada qalabka sida  dowladda Puntland ay ka aamusanyihiin dhibkii ka dhacay tuulada Af-urur.

Arrintan ayaa sidoo kale imaanaysan xilli  aysan jirin sirdoon ka howl gala tuuladaas oo ay adag tahay in la kala saaro shacabka iyo mallayshiyaadka Al Shabaab, taasoo keentay in muddo Labo bilood iyo bar ku dhow uu ka dhaco dhib lamid ah kii lagu weeraray saldhigii ciidamada difaaca ee halkaas ku sugnaaa.

Horay xukuumadda Puntland, ayaa tafaasiil khaldan ka bixisay weerar askar badan lagu laayay oo ka dhacay tuulada Af-urur.

Maaha markii ugu horeysay taliyaha Madaxtooyada Puntland uu sheegto in dowladdu qabatay rag katirsan Al Shabaab, xilli inta howlgalkaas ay fuliyeen ciidamada PSF-ta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM