​Puntland: Guddiga Doorashooyinka oo u yeeray murashaxiinta 16 Kursi [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland, ayaa maanta magaalada Garowe kaga dhawaaqay inay doorashada xubnaha aqalka hoose ee harsan bilaaban doonto Todobaadka dambe, xilli wali Puntland aysan soo saarin go'aan xanibaadda looga qaadayo hakintii lagu sameeyay soo xulista Barlamanka Federaalka Somalia ee casumadda Puntland kasocotay.

Balse, 29 November, 2016 Warsidaha GO oo soo xiganayay Saraakiil ka agdhow Madaxweynaha Puntland, ayaa baahiyay in doorashadii la fasaxay, kadib markii ay xiriir wada yeesheen Beesha Caalamka, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiwali Cali Gaas. Halkan ka Akhriso

Shirkan Jaraa'id ee guddiga ayaa loogu yeeray dhammaan kuraasta harsan oo ku jira Xildhibaan Geeriyooday bishii hore, kaasoo kamid ah Xildhibaanadii Garowe lagu doortay.

4 kamid kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona Haween, taasoo la waafajinayo xeerka Qoondada dumarka ee 30%, waxayna ka imaan doonaa beelaha soo socda; Cismaan Maxamud Jufida (Is xul), Cumar Maxamud (Cabdi Ciise), Dhulbahante; Maxamud  Garaad (Jaamac Siyaad), Baha Nugaaleed (Xasan Ugaas),  sid ay guddigu sheegeen.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland, Nabadoon Khaliif aw-Cali, ayaa Wariyaasha u sheegay in hakadka doorashadu la xiriirtay arrimo farsamo, wuxuuna murashaxiinta ka codsaday inay isa-soo diiwaangaliyaan inta ka horaysa Isniinta soo socota oo ay ku egtahay doorashada Aqalka hoose.

Khaliif, ayaa sidoo kale ka codsaday Ergooyinka inay maraan waajibaadkii looga baahnaa maalmaha soo socda, si doorashadu u bilaabato maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa.

Puntland oo kuraasta Barlamanka Somalia ee Aqalka hoose ka heshay 37 mudane, ayaa waxaa la doortay 22, waxaana harsanaa 15, balse waxaa geeriyooday mudane kamid ah raggii Garowe lagusoo xulay, oo kasoo jeeday beesha Warsangali. Iminka waxaa guddi u yeereen 16 Kursi.

Maamulka Puntland oo ahaa dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee bilaaba doorashada Aqalka hoose, ayaa moodaa inuu noqday kii ugu dambeeyay ee soo dhammaystira doorashada Xildhibaanada, waxaana horay arrintaas usoo Afjaray Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo helay kuraasta ugu badan ee Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM