​Puntland: In kabadan 11-kun Arday oo imtixaan u fariistay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Waxaa maanta gobollada Puntland ka furmay imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka Afraad dugsiga Sare iyo Sideedaad ee dugsiga dhexe, waxaana u fariistay in kabadan 11-kun oo Arday.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo wehelinayo wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland, ayaa maanta si rasmi ah uga daah furay magalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana imtixaankan lagu qabanayaan kabadan sagaashan goobood.

Sannadkan ayaaa ka duwan kuwii hore, waxaana ka qayb galay Ardayda qaba baahiyaha gaar ah, kuwaasi oo isugu jiray dhagoolayaal iyo indhoolayaal.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Abshir aw-Yusuf oo daah furka imtixaanka ka hadlay ayaa faah faahshay imtixaanka iyo meelaha lagu qabanayo isagoo tilmaamay  inuu ku faraxsanyahay Ardayda tiradaas leh inay soo gaaraan marxaladan oo kale, wuxuuna ALLE uga barayay inuu u fududeeyo imtixaanka.

"Ardayda imtixaanka u fariisanaysa waa 11,122 {Kow iyo toban kun, boqol labaatan iyo labo arday}, waxay isugu jiraan ardaydaasi dhawr qaybood oo kala ah; Ardayda dugsiyada sare, kuwa dhexe iyo Arday qabo baahiyaha gaarka ah sida dhagoolayaasha iyo indhoolayaasha. Ardayda dugsiyada sare hadaan ku hormaro waa 3,334 Arday oo 1,161 kamid ah yihiin Gabdho, Dugsiyada dhexe waa 7,813 Arday, Gabdhuhu, 3,034..

Abshir, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in markii ugu horaysay imtixaankan oo kale u fariistaan arday qaba baahiyo gaar ah, isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo guul khayr.

"Runtii waxaa markii ugu horaysay galay imtixaanka Ardayda qaba baahiyaha gaarka, waan ku faraxsanahay waana soo dhaweynayaa dadaalka ay sameeyeen..Imtixaankan waxuu k dhacayaa sagaashan xarumood, waxaadna arkaysaan baaxadda uu leeyahay, hadii aan kala qaado, gobollada Bari iyo Gardafuu, wuxuu ka dhacayaa 21 xarumood, Mudug 19, Nugal 17, Sanga iyo Haylaan 14 Karkaar waa 10, Sool 5 goobood, halka Cayn lagu qabanayo 4 xarumood,"Ayuu yiri wasiirka waxbarashada Puntland.

Wuxuu ugu baaqay dadka imtixaanka qaadaya inay dulqaad iyo shaqo hufnaan la yimaadaan isagoo u soo jeediyay in ardayda la siiyo adeeg qanciya, halka shacabka uu ka codsaday inay ilaaliyaasha imtixaanka gacan siiyaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxasanyahay furitaanka imtixaanka shahaadiga ah, wuxuuna ardayda ugu baaqay inay is dajiyaan islamarkaana EEBBE  khayr ka rajeeyaan isagoo hambalyo u diray dhammaan Ardayda iyo macaliimiinta Puntland.

Maaha markii ugu horaysay imtixaan noocan ah ay galaan Ardayda Puntland, balse sannadba sannadka ka dambeeya wuxuu ka badanyahay cadadkii horay u galay imtixaanka kama dambaysta ah ee fasallada 4-aad dugsiga sare iyo 8-aad ee dugsiga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM