Puntland iyo Galmudug oo heshiis kala saxiixanaya, Juxa oo goob joog ahaanaya

Image

GALKACAYO, Somalia- Wadahadalo maalmihii ugu dambeeyey uga socdey magalaada Muqdishu maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxa la isku afgartey qodobo hordhac ah oo wax looga qabanayo colaada gobolka Mudug ee ka dhaxeysa qabaa'ilada wada daga halkaas.

Wararka soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya munasabada qodibadaan lagu kala saxiixanayo uu goob joog ka ahaan doona wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Somalia Mudane Cabdi Farax Siciid "Juxa" isagoo maanta booqasho rasmiya ku imaanaya Puntland iyo Galmudug. 

Warsidaha GO oo wax ka waydiiyey Wasiirka sida uu arko heshiiskaan ayaa sheegey in ay tahay talaabo muhiim ah balse loo baahan yahay in howl adag laga qabto  madaama ay is-afgardyo hore ee noocaan ah horey u burbureen.

Wasiir Juxa ayaa sheegey in Wasaarda arimaha gudaha Somalia oo la shaqeyneysa labada maamul qayb ka ahaan doonto qorshe nabad loogu soo dabaalayo beelaha wada daga gobolka Mudug.

Qodobada KMG ah ee la iska gartey ayaa waxaa kamid an; 

1- In labada maamul ay is kaashadaan, kana wada shaqeeyaan Ammniga Gobolka si taasi loo gaarona waxaa la isku raacay:-

a) in la sameeyo ciidan isku dhaf ah oo xilsaaran inay kaashadaan, sugidda Ammniga Gaalkacayo ee arrimaha la xiriira ammniga ka dhexeeya labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland, ayna ka howlgalaan dhacdooyinka dhul daaqsimeedka la xiriira jiidaha.

b) iyo in ay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada .

2- In si nabad ah lagu wada daaqo naqa, ayadoo loo fududeynayo dadka reer Galmudug ee abaarsan inay soo galaa dhulka naqo ku da'ay ee Puntland. si taasi loo hirgeliyona waxaa la isla gartay:-

a)- In dadka labada dhan ay si nabad iyo xasilooni ah kuwada daaqaan naqa deegaanada dhul daaqsimeedka ah ee laysugu imanayo, ayna Illaalinta ammniga ee dhul daaqsimeedka dhulka jiidaha ay u xilsaaranyihiin ciidanka isku dhafka ah.

b)- In dadka reer Galmudug ee u naq raacaya deegaanada Puntland aysan hub lasoo gelin gudaha Puntland, iyadoo looga dan leeyahay in laga fogaado wixii keeni kara isku dhac iyo iscoleysi.

3- In Puntland si waafaqsan dastuurkeeda ay masuul ka tahay naf iyo maalba dadka Soomaaliyeed ee degan dhulka Puntland ka arrimiso, oo ay ku jiraan dadka reer Galmudug ee usoo hayaamay daaqsinta.

4- In la sameeyo wacyigelin balaaran oo u dhacda si gooni gooni ah iyo wadajir ah, si loo sooceliyo kalsoonidii dadka, loona hubiyo in naqa lagu wada daaqo si nabadgelyo iyo walaaltinimo ah .

5- In talaabo sharciga waafaqsan laga qaado ciddii geysata fal dambiyeed lidi ku ah ammniga, xasiloonida iyo nabad kuwada noolaashaha dadka gobolka Mudug miyi iyo magaalaba.

6- In labada maamul ka wada shaqeeyaan xalinta wixii raadad ka haray  dagaalaadii hore uga dhacay Gaalkacayo sida wadooyinka xiran.

7- In labada maamul kawada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa dib u heshiisiin dhameystiran Mustaqbalka inshallah.

GAROWEONLINE kala soco wararka kasoo kordha wadhadaladaan.

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM