Puntland: Juxa oo ka qayb galay dood looga hadlay Nidaamka Federaalka [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha dib u heshiisiinta iyo Federaalka Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa xalay ka qayb galay dood cilmiyeed looga hadlayay nidaamka Federaalka iyo caqabadaha hortaagan.

Doodan oo ay soo qabanqaabisan xarun lagu magaacaabo Center for Policy Alternatives (CPA), waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa su’aalo lagu weydiiyay saddex xubnood oo uu jiro Juxa, waxaana dhammaantood ay la xariireen nidaamka Federaalka iyo qaabka uu xal ugu noqon karo waddanka Soomaaliya oo muddo ku dhow soddon sano bur-bur ku jiray.

Balse furitaankii doodan ayaa khudbad uu jeediyay Cabdi Faarax Siciid Juxa, wuxuu ku sheegay in qorshaha kaliya ee Soomaali isugu soo noqon karto islamarkaana lagu xallin karo dhibaatada hada taagan ay tahay nidaamka Federaalka inkastoo uu xusay in caqabado badani hortaaganyihiin.

Wuxuu sheegay in doodo badani ka taaganyihiin taaganyihiin qaybsiga khayraadka dalka, Dastuurka, hirgalinta nidaamka Federaalka iyo Awoodaha, xalka looga gudbi kara ay tahay in si sareex ah looga wada hadlo, waliba ay ka doodaan shacabka Soomaaliyeed iyo jiilka maanta jooga.

Dowladihii waddanka soo maray bur-burkii kadib ayuu sheegay in midba maalin meel joogtay waxyaabo lagu tilaabsadayna ay jiraan, balse aan la gaarin meeshii la rabay, wuxuuna sababaha gaabiska keenay ku sifeeyay in madaxda xafiiska joogtay aysan ka go’nayn hirgalinta waxyaabaha horyaalla.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hada shacabka Soomaaliyeed ay haystaan qalfoofkii kore ee Federaalka, laakiin looga fadhiyo dowladda dhexe iyo maamullada inay cayiliyaan oo ay ka dhigaan mid u shaqaynaysa sidii loo baahnaa.

Mar uu ka hadlayay doodaha la xariira Nidaamka Federaalka ma qaadana iyo noocee qaadana, wixii yiri, “Anigu waxaan qabaa ma haysano fursad aan kaga doodno arrintaas, waayo 28 sano ayaan kala maqanahay, waa kala fogaanay, waqici baa samaysmay waxa weeye wax dhexe oo aan isugu imaan karno ma samaysan karnaa, waxaana loo arkay waxa kaliya ee la isugu dhawaan karo inay tahay Federalism-ka.”

Mar kale isagoo ka hadlayay in doorasho qof iyo cod ah ka dhici karto waddanka Soomaaliya, wuxuu sheegay in taasi kamid tahay riyooyinka shacabku qabaan ee ay u malaynayaa in hadii la gaaro laga bixi karo dhibka maanta taagan, laakiin xaqiiqadu intaasi ka fogtahay.

Juxa ayaa sheegay in caqabadihii taagnaa xilligii Xasan Sheekh ee lagu gaari waayay doorasho qof iyo cod ah ay taagantahay wali isagoo xusay shakhsiyan inuu ku doodayay markii uu xafiiska joogay, wuxuuna dadweynihii madasha joogay ku baraarujiyay in hayaanka loo socdaa uu yahay mid dheer oo dhibaato badan, balse jiilkan iyo kuwa soo socda laga doonayo inay ka doodaan masiirka dalka ee aan lagu halayn kuwii isku cunay isna haystay mudadii bur-burka lagu jiray waa sida uu hadalka u dhigaye.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM