Puntland ka hadashay hehsiis Kaluumeysi kadib markii saxafadu kashiftey

Image

GAROWE, Puntland- Wasaarada Kaluumeysiga iyo Khayraadka Puntland ayaa ka hadashay Maraakiib Kaluumeysi oo maalmahaan ku sugneyd xeebta Dekada Bossaso. warsaxafadeedkaan ayaa yimid maalmo kadib markii warsidaha Garowe online  daabacey warar la xiriira in xukuumada madaxweyne Gaas ay hehsiisyo la soo gashey shirkado kaluumeysi ee laga leeyahay wadamada ku yaala Barriga Fog.

Wasiirka Kaluumeysiga Puntland Cabdinuur Cilmi Nuur Biindhe ayaa sheegey in maraakiibtaan tiradoodu tahay 7 lagana leeyahay dalka Jabuuti kuwaso ah kuwo si sharci ah u Kalumeysaneysa.

"Asbuuca waxaa soconayey warar sheegaya  Maraakiibtaan Dekada  noo taala iyo howlaha la xiriira, Media anigu koley waa u mahadnaqayaa sababtu waxaa weeye wax kasta ha sheegeen ama run ha noqoto ama wax lagu khaldey ha noqoto lakiin waa ku raacsanahay iney dadka toosiyaan oo wax walba qoraan sababtoo ah khaladkaa baxaya."

Wasiirka Kaluumysiga oo ay dhinac fadhiyaan wasiir ku xigeenka wasaarada, wasiiru dowlaha wasaraada iyo xildhibaan ka tirsan barlamanka Puntland ayaa sheegey in mas'uuliyada wasaradda Kaluumeysiga tahay iney ilaaliyaan khayraadka Puntland islamatkaana aysan jiri doonin talaabooyin sharci Daro ah.

Dowlada Jabuuti ayaan weli ka hadlin heahiiskaan Kaluumeysi oo ay la gashey maamul goboleedka Puntland.

Wasiirka Kalumeysiga Puntland ayaa sidoo kale ku faaney in dakhliga wasaarada Kaluumeysiga u soo xereysay dowlada Puntland sanadihii 2014, 2015 iyo 2016 sadex jibaar ka badan yahay dakhliga wasaraada soo xereyn jirtey sanadihii 2012 iyo 2013.

"Dowladeena hadda dhalatey marka laga soo bilaabo maamulka hadda jira markii uu xukunka la wareegey Jan 8, 2014, labadii sano ee ka horeeyey dalhliga wasaarada Kaluumeysiga ay soo xereysay   waxaa uu ahaa 28000USD sanadkii 2012 halka  2013 dakhligii ay soo xereysay wasaaradanu uu ahaa 64000USD, sanadihii ka dambeeyey ee maamulkaanu jirey wasaraadu dakhligii ay soo xereysay 2014 waxaa uu ahaa 1.4 milyan USD halka sanadkii 2015 2 Milyan dollar  oo waxyar la'  u ahaa dakhliga,  sanadkaan 2016 waa ka badan yahay, halkaa waxaa ka cad in wasaaradu shaqeysay."

Dakhli kororka wasiirka Kaluumeysiga ku faaney ayaa yimid xilli xukuumada madaxweyne Gaas ay bixin waydey mushaharaadka ciidamada Puntland iyo shaqaalaha halka dhinaca kale aysan jirin wax mashariic ah oo laga sameeyey deegaaanada Puntland ee Marakiibtaan kaluunka ka gurtaan.

Dhinaca kale dadka la socda arimaha Kalumeysiga sharci darada ee ka socda xeebaha Puntland ayaa rumeysan in tan iyo intii madaxweyne Gaas xilka la wareegey uu kor u kacdey fasaxa wasaarada Kaluumeysiga siineyso Maraakiibta Kaluumeysiga kuwasoo garwadeeno ay ka yihiin shaqsiyaad ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM