Puntland oo beenisay in Hub laga soo dejiyay Garoonka Qardho [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor ayaa si kulul u beeniyay wararka sheegaya in hub uu kasoo degay Garoonka diyaaradaha magaalada Qardho, ee xarunta gobolka Karkaar.

Isagoo ka hadlayay Shir jaraaid oo uu ku qabtay maalintii shalay [September 2, 2019] magaalada Badhan, ayaa Wasiirka sheegay in warka ah in hub laga soo dejiyay Qardho mid been ah, oo sal iyo raad lahayn.

Lugatoor ayaa u cadeeyay shacabka in dad “cadow” ku ah horumarka garoomada casriga ah ee Puntland ay faafinayaan wararkaas been abuurka ah, iyagoo ka leh ujeedo gurracan oo marin-habaabin ah.

“Waxaan rabaa inaan u cadeeyo shacabka Puntland iyo umada Soomaaliyeed inaysan jirib wax hub ah oo kasoo degay Garoonka diyaaradaha Qardho iyo kuwa kale ee Puntland,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Lugatoor ayaa xusay in Garoonka Qardho ay ka howlgalaan dhawaan hay’adaha dowladda Puntland, sida booliska, CID-da iyo Sirdoonka, kuwaasoo la socda dhaq-dhaqaaqa waxa ka soo degaya.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in Garoonka Qardho ay yimaadaan inta badan diyaarado Qaad ka keena Nairobi iyo Dirir-Dhawe oo katirsan dalka Itoobiya, kuwaasoo ogolaansho ka haysta dowladda Puntland.

Tan iyo markii Ethiopian Airlines ka billowday Puntland duulimaadka tooska dhawaan, ayuu sheegay Wasiirka in garoomada iyo waaxda duulista yeesheen cadow fara badan, oo dacaayado ka faafiya.

“Xaaraan ma ahan inuu hub yimaado, laakiin hubka imaanaya waxuu noqonayaa mid ogolaansho ka haysta Madaxtooyadda Puntland iyo Wasaaradda Amniga, oo loogu talo galay ciidamada,” ayuu Lugatoor hadalkiisa raaciyay.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhamaan garoomada diyaaradahu yihiin kuwa la isku halleyn karo, oo leh maamul wanaagsan, islamarkaana lagu maamulo sharuucda Puntland iyo kuwa caalamiga ah.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa iclaamiyay in Puntland shaqo siinayso shaqaalihii laga eryaya hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) markii maamulka Hawada Soomaaliya lasoo wareegtay.

Lugatoor waxa xusay in Shaqaalahan oo dhowr iyo afartan gaaraya ay ka howlgali jireen Berbera iyo Hargeysa, balse Somaliland shaqadii ka saartay markii maamulka Hawada loo wareejiyay Muqdisho.

“Aviation-ka qabiil iyo goboleysi ma galo,” ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka, isagoo sheegay in dowladda Puntland ay diyaar u tahay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay ka howlgeliso garoomada Garowe, Gaalkacyo, Boosaaso iyo Qardho.

“Qof kastoo aqoon u leh arrimaha aviation [duulista], Puntland way soo dhaweynaysaa, waayo waxaan rabnaa inaan noqono hoyga aqoonta duulista loo soo doonto Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri Lugatoor.

Beeninta Wasiirka Duulista Puntland ayaa yimid maalmo kadib markii qaar kamid ah Websites-ka ay faafiyeen warar sheegaya in hub lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaaladda Qardho.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM