Puntland oo dayactireysa waddooyin ku burburay roobabkii da'ay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Kormeeray Wadada Laamiga ee xiriirisa gobolada Puntland, gaar ahaan inta u dhaxaysa Buundada Midigar iyo degaanka Sin-ujiif, taas oo bur-bur uu kasoo gaaray Roobab xoog leh oo ka da'ay Puntland. laamiga go'ay iyo burburka soo gaadhay wadada waxa ay xanibtey isu socodka dalka.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey xubno ka tirsan Goleyaasha dawladda, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa markuu kormeerkiisa dhammaystay waxa uu ka hadlay waxyeelada Waddooyinka soo gaaray, ugu horayn Allah ayuu uga mahadnaqay nimcada uu ku manaystay shacabkiisa.

Sidoo kale Kusimaha Madaxweynaha waxaa uu sheegay in daadadka roobku keeneen bur-bur xoogleh oo soo gaaray waddooyinka hal bowlaha ah, kuwaas oo dowladdu u xilsaartay guddi qiimayn ku samayn doona waxyeelada guud ee ka soo gaartay dadka, Xoolaha, Deegaanka iyo Waddooyinka goladada Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka bur-buray, waxaana uu tilmaamay in goobaha hadda waxyeelada xoogga leh ay soo gaartay 5 Sano kahor ku dhisteen iskutashi tisqaaday, iminkana si lamida taasi in la joogo wakhtigii ay kaalintooda ka qaadan-lahaayeen.

Puntland State House

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM