Puntland oo digniin u dirtay shaqsiyaad wada "marin-habaabin"

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa digniin culus u dirtay dadka baraha bulshadda kawada marin-habaabinta la xiriirta arrimaha Masaajidada iyo xaaladaha ku geedaaman safmareenka dilaaga ah ee Coronavirus.

Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland, ayaa ka dhawaajiyey in halista cudurka ay wali jirto isla markaana loo baahan yahay in xanuunka laga feejignaado.

Puntland ayaa Khamiistii ku dhawaaqdey muddo bil ah oo ah feejignaan dheeraad ah isla markaana dadka looga baahan yahay taxadarka.

"Sidaad og-tihiin xanuunkii Covid-19 la oran jiray waa soo laba kacleeyay, qolyaha caafimaadka aduunkana waxay sheegayaan, dee Ilaahey tiisina kuma aanan darinee laakiin saadaashu Diinta way ogoshahay, Afrika in uu fara kulul ku hayo markan oo mowjad labaad baa bilaabatay baa la leeyahay waa la socotaan lamberada aad buu ugu badan yahay Puntland oo shalay baa ugu dambeysay 14 qof baa laga helay," ayuu ka sheegay munaasabad.

Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu daahfurayey Masjid cusub oo xaafadda Israac ee Garowe laga dhisay, wasiirka ayaa ku waaniyey dadweynaha in ay ka fogaadaan meelaha bulshadda ku kulanto.

"Waxaan halkaan uga faa'iideysanayaa, dowlada xalayto waxay soo saartay oo ah dadka in ay feejignaan dheeraad ah ka qaataan xanuunkan; in marka taxadar dheeraad ah la qaato meelaha public ah aan la isugu imaan, meelihii la isugu soo bixi jiray aan la isugu imaan, meelaha lagu caweeyo aan la isugu imaan," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, ma jiro go'aan kasoo baxay dowladda oo lagu xiray Masaajid, balse waxaa maamuleyaasha looga baahan yahay in ay dhaqan-geliyaan talooyinka caafimaad ee badqabka muwaadiniinta.

"Masaajid wax la xiray ma jirto, hadii la xirana wax dambi ah oo ay leedahay ma jirto, Xarameynkii baa la xiray waad la socotaan, Baytul Maqdis baa la xiray, Caalamul Islaami dhan baa la xiray, dadkii u fatwoon jiray oo ugu aqoonta badnaa ayaa arrintaan [u fatwooday]; arrintaa waxaan uga digayaa dadka aan diinta aqoonta u lahayn in ay isku dayaan social media-ha waxay wareejinayaan oo ah 'meelihii loo carari jiray baa la xiray' meelmihii loo carari jiray masaajidada Ilaahey way kamid tahay, laakiin waxay ka hor-marisay wixii nafta bini'aadamka dhib u keenaya in laga digtoonaado," ayuu xusay.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa hada gaartay 221 qof, waxaa u dhintay 7 qof halka bogsashada la diiwan geliyey ay tahay 40 qof, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM