PL oo diidey guddiyadii doorashada iyo xuduudaha ee DF magacowdey

Image

GALKACAYO MAY 8,2015 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey oo warbaahinta kula hadley magaalada Galkacayo  kadib markii uu kasoo noqdey magaalada Kismayo ayaa sheegey in Puntland gabi ahaanba qaadacdey go'aankii maalintii shaley golaha xukuumada Dowladda Fedderaalka ku magacaabeen guddiyada garsoorka, doorashooyinka iyo xuduudda. 

HALKAAN KA AKHRI GO'AANKA XUKUUMADA DOWLADA FEDERAALKA

Ku-xigeenka Puntland ayaa sheegey in go'aankaas gabi ahaabna uu dhinac marey qodobka 111 faqraddiisa labaad ee dastuurka Dowladda Federaalka ah kaasoo sheegayay in guddiyadan magacaabistoodu tahay in lagala tashado mamaulada ka jira dalka.

Camey ayaa sidoo kale ugu baaqey maamullada kale ee ka jira Somalia inay qaadacaan guddiyada ay Dowladda Federaalku ansixisey.

May 6, 2015  ayey aheyd markii Guddoomiyihii guddiga dib u eegista dastuurka qabyada ah ee Dowladda Federaalka, Caasho Geelle Diiriye, shir-jaraa'id oo ay magaalada Galkacayo ku qabatey ay ku shaacisey inay xilkaas iska casishey. Caasho waxay sheegtay inay go'aankan qaadatey kadib markii ay qiimeysey arrimo badan.

Diidmada dowlada Puntland ayaa timid maalmo kadib markii magaalada Garowe lagu dhemeystirey shirka dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ah kasoo warmurtiyeed lagu soo saarey. HALKAN KA AKHRI

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa eedeyn dusha uga tuurey hay'adaha caalmiga ee ka howlgala Puntland kadib markii uu shegeey iney ka gaabsheen wax ka qabashada daadadkii dhowaan biyaha badan dhigey qaybo kamid ah magaalada Gaalkacayo.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM