Puntland oo ka digtay in doorashada 2020-21 loo baajiyo Covid-19

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa si cad u sheegtay in wax la aqbali karo aysan ahayn in doorashooyinka heerka qaran ee la qorsheeyay in ay dhacaan 2020-21 dib loo dhigo iyaddoo la cuskanayo fayruska Corona.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo u waramay warbaahinta maxaliga ah, ayaa "arrin dastuuri ah" ku tilmaamay in coddeynta ay waqtigeeda ku qabsoonto.

Mr Dhabancad ayaa carabka u dhuftay ahmiyada ay leedahay in dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan la tacaalida cudurka iyo qabsoomida doorashada.

"Laakiin, waxaan rabaa in aan halkaan ka xuso in aragtida Puntland ee ku wajahan doorashooyinka 2020-21 in ay tahay arrin dastuuri ah, in ay tahay in Umadda Soomaaliyeed qaasatan dadka uu waajibaadka ka saaran yahay oo ah dowladda dhexe iyo dowladaha xubinta ka ah federaalka in ay u diyaar-garoobaan isagana yimaadaan siddii doorashaas dalka uga dhici lahayd," ayuu ku sheegtay shir jaraa'id oo ku qabtay magaaladda Gaalkacyo.

Isku day kasta oo ujeedkiisu yahay in la baajiyo qabsoomida doorasooyinka iyaddoo loo marayo hanaan aan leysku raacin ayuu hoosta ka xariiqay in uu keeni karo kala fogaansho iyo is-qabsi siyaasadeed.

"Sababo laga foqsan karo in ay dib ugu dhacdo ama marmarsiyo laga dhigta xaalado laga maarmi karo waxay keeni kartaa khilaaf fogaada oo dadka kala dhex-gala, waxaa loo baahan in madaxdu dalku iyaddoo aynu gelineyno juhdi ha noqota dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ama ha noqoto dowladda dhexe, iyaddoo xanuunkaan iyo xaaladiisa lala tacaalayo, iyaddoo waajibyadii kale ee na saarnaa oo ay kamid tahay amnigii dalka in la sugo la qabanayo, iyaddoo la fulinayo wax walba oo deg-deg ah ee yaala, haddana loo diyaar-garoobo in dalka ay ka dhacdo doorasho xiligeedii si looga hortago in dalka uu galo xaalad qalalaaso dastuuri ah ama xasilooni darro iyo is-qabsi siyaasadeed oo ka yimaada, iyaddoo si aan loo dhameyn looga faa'iideysto xaaladaha dalka kusoo siyaada, doorashada ay xiligeeda ku dhacdo, 2020-21," ayuu tibaaxay.

Hogaanka Villa Soomaaliya ayuu cod dheer uga digay "in ay xaalada soo korortay ka faa'iideystaan ama go'aano aan loo dhameyn ay dib ugu dhigaan doorashooyinka, taas oo Puntland ay ka digeyso".

"Hadii ay nagu timaado xaalad ay faraha ka baxdo, Ilaahey naguma keenee, wixii imaanayo oo go'aano ah waa in ay noqdaan wax loo dhan yahay Soomaali oo dhan si isla ogol ah ay u qaadato," ayuu kusoo xiray.

Kiisaska Covid-19 ee laga xaqiijiyey guud ahaan dalka ayaa gaaraya 21. Laba kamida waxaa laga soo sheegay degaanada Somaliland. Balse, badi waxaa dad ku sugan magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan shaqaale dowladeed.

MUUQAALKA DHABANCAD

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM