​Puntland oo ka digtay in la dhaqan-galiyo xeerka Is-gaarsiinta Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Warfaafinta iyo Is-gaarsiinta Puntland ayaa ka digtay in la ansixiyo Xeerka Isgaarsiinta dalka Somalia, oo bishii hore qalinka ku duugeen golaha xukuumadda dowladda Federaalka.

Xeerkan oo hadda horyaala golaha Barlamanka Somalia, waxaa walaac xooggan ka muujiyay maamulka Puntland oo eedayn dusha uga tuuray wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Somalia, kaasoo lagu dhaliilay inuu xagal daaciyay islamarkaana af-duubtay shirar looga hadli lahaa xeerka Is-gaarsiinta dalka Somalia.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Puntland, Cabdirasaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Adduun), oo wariyaasha kula hadlay maanta magaalada Garowe, ayaa xusay in xukuumadda Somalia dhagaha ka furaysatay baaqyo ay u direen oo kusaabsanaa xeerka Is-gaarsiinta dalka oo uu tilmaamay inuu yahay mid aan loo dhammayn.

Isagoo sii hadlayay Sheekh Adduun, wuxuu xusay in wasiirka Warfaafinta Somalia oo daah saaray shirar looga hadli lahaa, xeerkan oo uu ku sifeeyay mid aysan u dhammayn maamullada dalka ka jira.

Waraysigan ayaa kusoo beegmay xilli caasumadda Puntland ee Garowe muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal amni darro oo isugu jira Dilal iyo “Wasaaraddu waxay isku dayaysaa inay xagaldaaciso shirka kismayo  oo maamul goboleedyadu Ra’yigooda ku gayn lahaayeen,” ayuu yiri Sheekh Adduun.

Wasiir ku-xigeenka ayaa shirkii jara’id ku duray xeerkan oo uu ku tilmaamay mid Xaaraam ah oo aysan u dhammayn dadkii talada ku lahaa, isagoo sheegay in hadii la ansixiyo uusan saamayn doonin maamulka Puntland.

“Sharcigaasi ma ah mid lagu heshiiyay, waa sharci xaaraan ah, qaybna kama nihin,Puntlandna  qayb kama ahaan doonto, waxaanuna taageersanahay shirka kismaayo,” ayuu yiri Wasiirku.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia.

Waa tallaabadii labaad oo maamulka Puntland ku dhaqaaqo tan iyo markii uu xafiiska yimid Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana horay wasaaradda Waxbarashada Puntland, u diiday Manhajka Qaranka oo ay ku tilmaameen mid aan lagala tashan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM