Puntland oo ka maqan shir Nairobi uga socda maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka

Image

NAIROBI- Kulan magaalada Nairobi ku lahaayeen maalmihii lasoo dhaafey guddi ka kooban 12 xubnood kuwasoo ka socda madaxda maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa wararka warsidaha GO ka helayo shirkaas waxay sheegayaan in xubnihii madaxweynaha Puntland u soo xushey ka qayb galka wadahadlkaan aysan soo xaadirin.

Xubnahaan oo uu dhowaan soo magacaabey Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ay ka kooban yihiin dad ka shaqeeya xafiisyada madaxda maamulka iyo dowlada Federaalka ah.

Guddigaan oo la sheegey iney diyaarinayaan qodobada looga wada-hadli doono kulan la qorsheynayo in magaalada Baydhabo uga furmo madaxdaan bishaan dabyaaqadeeda ayaa wararka laga helayo waxay xusayaan in Burhaan Dio mio oo markii hore Madaxweynaha Puntland ku darsadey ka cudurdaartey ka qayb galka shirkaan isagoo sheegey in arrimo qoys ugu maqan yahay dalka Canada.

Xogtaan oo aan ka heley xubno ku dhow kulankaan ayaa sheegaysa sidoo kale inuu diidey ka qayb galka shirkaan nin la yirahado Cabdirozaq Eelaay kasoo Madaxweyne Gaas ka codsadey inuu badalo Burhaan Dio Mio. Cabdirizaq Elaay oo horey aad ugu dhowaa Madaxweyne Gaas ayaa wararku sheegayaan in xiriirkooda xumaadey bilihii ugu dambeeyey.

Madaxweyne Gaas ayaa diidan in guddiyadaan ay qayb ka noqodaan xubno ka tirsan hay'adaha dowlada Puntland sida Barlamanka iyo golihiisa xukuumada isagoo aad u raadinaya in kulamadaan u matalaan dad isaga aad ugu dhow oo fulin kara qorshayaasha siyaasadeed uu ka damacsan yahay wadahadaladaan.

Dhinaca kale wararka ku hareereysan kulankaan ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas uu aad ugu ololeeyey in doorashada Soomaaliya iyo midda maamul goboleedyada la mideeyo isagoo aan tageero badan ka helin madaxda maamulada gaar ahaan beesha caalamka kuwasoo welwel ka muujiyey in qalalaaso siyaasadeed oo Dastuuri ah dalka ka abuureyso hadii talaabadaan la qaado.

Madaxda maamulada Soomaaliya ayaa qorsheynaya in kulan ka horeeya kan Baydhabo ku yeeshaan magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garoowe bisha March bartamaheeda.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa wareysi uu siiyey Idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga 7/03/2018 ku sheegey in doorashada Puntland dhaceyso waqtigii loogu talagaley Jan 8,2019 kadib markii uu cadaadis kala kulmay siyaasiyiin dhowaan ku dhawaaqey urur la yiraahdo Puntland Focus Group.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM