Puntland oo kordhineysa xarumaha baaritaanka safmarka Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa qorsheyneysa in ay kordhiso xarumaha baaritaanka safmareenka Coronavirus, sidda uu Axadda maanta ah shaaca ka dhigay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo ka hadlayey furitaanka Kalfadhiga 47aad ee Golaha Wakiilada maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in afar xarumood ay haatan ku kala yaalaan Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Baran.

Sidda laga soo xigtay Deni, xarunta shanaad waxaa qorshuhu yahay in laga hirgeliyo magaaladda Buuhoodle, wallow uusan muddeyn.

"Waxaa sidoo kale qorsheysan in magaaladda Buuhoodle laga furo xarunta shanaad ee laga heli karo adeega baarista cudurka Covid-19. Dhamaan xarumahaas waxaa ka howlgala shaqaale si fiican loogu diyaariyey bixinta adeega caafimaad isla markaana intii u dhaxeysay labada kalfadhi 390 howlwadeeno caafimaad loo tababaray ka hortagga, wacyigelinta iyo karantiilka Covid-19," ayuu sheegay hadal-jeedintiisa socotay ku dhowaad 21 daqiiqo.

Intii uu hadal-jeedinta wadday, Deni ayaa tibaaxay in Covid-19 uu saameeyay Barnaamijyadii u qorsheysanaa 2020, dakhliga dowladda, isu socodka ganacsiga gudaha iyo dibadda, xawalaadaha iyo shaqada dowladda.

"Iyaddoo ay jiraan caqabadahaas dhaqaale ee kor aan kusoo xusnay, haddana waxaa inoo qabsoomay qorsheyaashii iyo yoolashii inoo degsanaa, waxaana ka gaarnay guulo lagu faani karo; inkasta oo uu jiro hoos u dhac ku yimid dakhliga dowladda, haddana waxaan ahmiyad siinay bixinta mushaharka oo aan bixinay si joogto ah," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Deni.

Sidda ku cad warbixinta 4-tii bisaan October kasoo baxdey wasaaradda caafimaadka, wadarta kiisaska Covid-19 ee laga diiwaan-geliyey degaanada Puntland waa 668, waxaa u dhintay 9, iyaddoo ay ka bogsadeen 240.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM