Deni: Way naga go'an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyada badan

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey, oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay Mr Adam Abdelmoula.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta Xafiiska Qaramada ee Puntland, waxaa looga hadlay mashaariicda ay Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland oo ay ugu horeyso arrimaha bani’aadantinimada.

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula oo sidoo kale xafiiskaasi u qaabilsan arrimaha bani’aadantinimada, wuxuu sheegay in Puntland ay ugu danbeysay 2002-dii, haddana uu arko in Puntland ay sameysay isbedel weyn, dhinacyada dhismaha, hormurka, maamulka iyo bilicda, wuxuu sheegay in isbedelka Puntland sameysay uu tusaale wanaagsan u yahay Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Qaramada Midoobey ka hayso Puntland, wuxuuna usoo jeediyey in waxqabadka bani’aadanimo lagu saleeyo baahiyaha ka jira deegaanada iyo xaaladdaha bani’aadanimo ee la darsay.

Arrimaha Dimuqraadiyada Puntland ayaa kulanka looga hadlay, wuxuu Madaxweyne Deni la wadaagay Xafiiska Qaramada Midoobey in ay ka go’antahay Dowladda Puntland hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, dhowaana Dowladdu daah-furtay qorshaha shaqo ee Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah ee Puntland.

MUUQAALKA KULANKA

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM