Puntland oo ku dhawaaqday in Axsaab siyaasadeed la furan karo [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Xaflad ka dhacday magaalada Garowe, ayaa xukuumadda Puntland ku daah-furtay nidaamka dimuqraadiyadda gaar ahaan furashada Axsaabta siyaasadda oo muddooyinkii  dambe dadweynuhu aad u hadal hayeen kadib markii ay ka gaabisay dowladdu.

Madaxweynaha Puntland, xubno katirsan golayaasha dowladda, guddiga doorashooyinka, xubno kasocday hay’ado ajnabi ah iyo shakhsiyaad matalayay bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ka qayb galay munaasabaddan oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland [T-PEC].

Guddoomiye ku-xigeenka T-PEC, Maxamud Xasan Soofe ayaa sheegay in Guddigu diyaariyay dhammaan shuruudihii lagu hagi lahaa axsaabta siyaasadda, kaasoo iminka laga heli karo xafiiska guddigu ku leeyahay magaalada Garowe.

Maxamed Xasan Barre oo ahaa guddoomiyaha Guddigan ee xilligii Farole, ayaa sheegay inay howl badan kasoo mareen nidaamkan iyo qaabayntiisa.

Qaar kamid ah Xildhibaanada dowladda ayaa soo dhaweeyay arrintan iyagoo xusay in habkan uu sahli karo waxyaabo badan oo ay shacabka u saamaxaya inay ku doortaan ruuxii ay jecelyihiin.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa khudbad uu ka jeediyay goobta lagu daah-furayay nidaamkan, wuxuu ku sheegay in dowladda ay ka go’antahay dhammaystirka nidaamka axsaabta badan iyo in sannadkan dhammaadkiisa la qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Gaas, ayaa sidoo kale fariin u diray hay’adaha taageera mashruucan oo ku eedeeyay in markasta xukuuamddiisa weydiiyaan halka barnaamijkan ay marinayaan, wuxuuna ka codsaday inay taageero dhaqaale iyo mid farsamo la garab istaagaan.

Daah furkan nidaamkan ayaa yimid xilli Guddiga howshan u qaabilsan dowladda uu muddo yahay Guddoomiye la’aan kadib markii uu is-casilay Axmed Kismaayo oo sidoo kale ah xubin kamid ah T-PEC.

Muddo ka yar Labo sano ayaa u harsan xukuumadda Madaxweyne Gaas oo horay u ballan qaaday in sannadka ugu horeey muddo xileedkeeda ay ku hirgalin doonto nidaamkan, waxaana hadda dadweynuhu is-weydiinayaan sida lagu dhammaystiri karo howlaha horyaalla guddiga ay ku jiraan, tirakoobka dadweynaha, kala xadaynta degmooyinka, wacyigalinta bulshada iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo dowladaha hoose.

Madaxweyne Gaas ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii xil doonka aheyd ee ka hortimid in nidaamkaan hirgaliso  Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxman Farole isagoo markaas ku eedeynayey in waqti ku filan Barnamaijkaan uuSan haysan.

Tallaabadan ayaa sidoo kale imaanaysa xilli abaaro xooggan ka jiraan Somalia gaar ahaan Puntland, waxaana maamulka Somaliland oo barnaamijkan uu ka jiro abaarta darteed dib ugu dhigeen doorashadii Madaxtinimo arrimo la xariira abaaraha iyagoo sheegay in dadweynuhu codayn karin xaaladdan awgeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM