Puntland oo ku dhawaaqdey markale aqalka sare, khilaaf la xaliyey

Image

GAROWE, Puntland- Kadib markii diidmo ka timid ururada haweenka oo tsgeero ka helaya xafiiska qaramada midoobey ee Somalia iyo guddiga doorashada Somalia ayaa madaxweynaha Puntland waxaa uu dib u soo magacaabey markale liiska u tartamayaasha aqalka sare ee Barlamanka Somalia Iyadoo markaan la ilaaliyey qoondada dumarka.

Warsidaha Garowe Online oo horey u shaaciyey in madaxweynaha Puntland dib u soo magacaabeyo liiska aqalka sare ee Somalia isagoo tanaasulanaya xubinta kaga jirta liiska besshiisa ayaa sidoo kale kursiga beelaha gobolka Sool ka dhigey in dumarka kaliya ku tartamaan.

Dhinaca kale Warsidaha GO ayaa fahansan in madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa isku khilaafeen xubinta gobolka Sool kadib markii Mudane Camey kaasoo horjeestey in xubinta aqalka sare kaasoo galeysa gobolkaas lagu qoro qof haweeney ah.

Mudane Gaas iyo ku xigeenkiisa ayaa wadahadal kadib isku waafaqey in xubintaas la siiyo dumarka balse markale isku khilaafey shaqsiga dumarka ah ee u tartamaya kursiga.

Madaxweynaha Puntland ayaa kaasoo dhoofey Garowe sida Warsidaha Garowe Online fahansan yahay Iyadoo weli uu jiro khilaafka u dhexeeya ku xigeenkiisa isagoo soo saaray liiska musharaxiinta u tartamaya aqalka sare ee Barlamanka Somalia.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo aad uga caroodey talaabada madaxweyne Gaas ku soo magacaabey xubanaha dumarka ee ku tartamaya kursiga Sool islamarkaana uga dhoofey wadanka dubadiisa ayaa amar ku siiyey in Barlamanka Puntland kalfadhigiisa cardiga aan aheyn furmi karin ilaa la xaliyo khilaafkaan. Amarka ku xigeenka Puntland kadib ayaa xubno kamid ah Barlamanka Puntland habeenkii xaley ku qanciyeen inuusan is-hortaag kale ku sameyn howlaha doorashada kuwaasoo dib u dhac ku jirta tasoo uu ka aqbaley xildhibanadaan.

Liiska madaxweynaha Puntland oo maanta lagaga dhawaaqey xarunta Barlamanka ayaa waxaa ka maqan sidoo kale gudoomiye ku xigeenkii Barlamanka Cawad iyo Yaasiin Cabdi Seed.

Liiska cusub musharaxiinta aqalka sare ee Barlamanka Federalka Somalia ee looga dhawaaqey Barlamanka Puntland ayaa u qoraa sidatan: 

11. Saynab Xaashi Biixi, Waxaa la Tartami doona -  Shukri Aadan Maxamed iyo Xaawo Caynab Cabdi.

2. Hodon Maxamuud Cismaan, Waxaa la Tartami doona - Basro Cumar Geele.

3. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Waxaa la Tartami doona - Aamino Aadan C/llaahi

4. C/raxmaan Maxamed Faroole, Waxaa la Tartami doona - Cabdi Mahad Abshir Cismaan.

5. Siciido Xassan Cismaan, Waxaa la Tartamaya -Axmed Cabdala Tigaana, Siciid Max'uud Aadan iyo  Maxamed Maxamuud Cali Bile,

6. -Cabdirisaaq Xassan Cismaan Juurile, Waxaa la Tartami doona - Hodon Ismaaciil Cilmi.

7. Maxamuud Axmed Maxamuud, Waxaa la Tartami doona - Faadumo Siciid Maxamed.

8. Maxamed Siciid Xirsi [Moorgan], Waxaa la Tartami doona; - Maxamuud Cali Siciid iyo Bootaan Bare Samatar.

9. Cabdixakiin Axmed Xaashi, Waxaa la Tartami doona - Mahad Daahir Sheekh Nuur iyo

C/qaadir Faarax Shaaciye.

10. Cali Ismaaciil Cabdi Giir, - Shukri Cabdullaahi Maxamuud iyo  Farxaan Cali Xusseen.

11. C/salaam Xaaji Maxamuud Dheere, Waxaa la Tartami doona; -  Siciid Maxamed Cali iyo Faarax Cawad Jaamac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM