Puntland oo qaadacday xeerka doorashooyinka ee XFS diyaarisay

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa mowqif adag ka qaadatay xeerka doorashooyinka iyo xisbiyadda ee maanta oo Arbaco ah ay meel-mariyeen xubnaha xukuumada federaalka ah ee uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre.

Sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, xeerkaan oo kamida go’aanada masiiriga ah ayaa nan laga talogelin Puntland, taasi oo baalmarsan dastuurka qabyadda ah.

"Dowladda Puntland waxay kasoo horjeedaa go’aan kasta oo aan waafaqsaneen Dastuurka ku meel gaarka ah ee ay ku tilaabsatay xukuumada sida diyaarinta wax ka bedelka sharciga Bartoolka iyo doorashooyinka," ayay tiri.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa bayaanka looga dalbaday in ay ku dhaqaaqin go’aano jebinaya dasturka ku meel gaarka ah "si looga fogaado khilaaf iyo kala fagaansho dhaawici karta geedi u socodka dhismaha dowladnimada".

Sidda ku warka qoraalka ah oo ku taariikheysan 2-da bisha Maaj 2019, Puntland ayaa u caddeyneysa beesha caalamka in aysan qayb ka ahayn go’aan kasta oo baalmarsan Axdiga qaybo qoraalka ah.

"Dowladda Puntland waxay u taagan tahay midnimada iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan hanaanka Federaalka ee lagu heshiiyey," ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sikastaba, warka kasoo yeeray Puntland ayaa kusoo beegmaya iyadda oo lagu wado in magaalada Garowe uu ka qabsoomo shir u dhaxeeya madaxda dowlada iyo maamulada oo looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM