Puntland oo shaacisay mowqifkeeda doorashada Galmudug io Jubbaland

Image

GAROWE, Puntland – Iyadda oo bilooyinka soo aadan ay doorasho ka qabsoomeyso Jubbaland iyo Galmudug, ayay dowladda Puntland waxay ku dhawaaqdey mowqifkeeda cod-bixintaasi.

Isaga oo ka hadlayey munaasabada xuska 1-da Luulyo oo lagu qeybtay Garowe, madaxweyne Saciid Cabdullaahi ayaa dowlada federaalka ku booriyey in aysan farogelin coddeynta.

Xukuumada ayaa gacma gacmeyn toos ah ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed, taasi oo intii ay socotey olalaha ay ka dhasheen qalalaaso galaaftey tobanaan ruux oo uu Xildhibaan ku jiro.

"Waxaan ugu baaqayaa maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo maalmaha soo socda ay dooarasho kusoo fool leeyihiin in ay Puntland wax ka bartaan, xoog wax laguma kala qaado, in tartan xalaal oo xor ah u dhex-maro. Waxaan rajeynayaa in cidii soo baxdana ay bulshadaasi, dadka iyo caalamka la shaqeeyo. Waxaan aad u u rajeynayaa in dowladda federaalka ay aad ka fariisato in magacii xumaa ee meeli ka raacay uusan dib dambe u raacin oo ay meel dhex-dhaxaad ah ay ka istaagto," ayuu xusay.

Arrimaha Dastuurka

Dastuurka Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 2012-kii ah qabyo ayaa dadaalo la doonayay in lagu dhameystiro guuleysan waayeen, iyadda oo xukuumadda hadda jirta lagu eedeeyay in ay isku koobtey arrintaasi.

Axdigan oo qodobo dhowr ah ay doodi ka taagan tahay ayaa la sheegayaa in uu yahay midka ugu badan ee dhaqaale lagu bixiyey, balse aanan wali gaarin halkii loo baahnaa.

"Dastuurka oo noqdey mashruuc aan dhamaaneyn, waxaan dooneynaa in laga wada hadalo sidii loo dhameystiri lahaa. Laakiin annaa iri ma qaadanayaa dadkaan [reer Puntlad]. Waxaan diyaar u nahay in aan doodeena la imaanayaa, taasi kama dhigna in aanan tanaasuleen, waxaan diyaar u nahay in aan liqno qodobada qaarkood," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa si cad daaha uga rogay in dowladda Puntland ay soo dhaweyneyso wada hadal ay la furto dhinac kasta xitaa maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee, Puntland iyo Somaliland oo deris ah ayna ka dhaxeyso colaad soo jireen ah ayaa waxay isku hayaan arrimo dhowr ah sida gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM