​Puntland oo u dabaal dagaysa markii la aas-aasay

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 1 Augusto ku beegantahay markii la aas-aasay dowlad goboleedka Somaliyeed ee Puntland sannadkii 1998-dii iyadoo deegaanada Puntland laga hadal hayo xuska 18 sano guuradii kasoo wareegtay.

Maalintan oo kale ayaa deegaanada Puntland, waxaa lagu qaban jiray dabaal dagyo xooggan inkastoo muddooyinkii dambe aan la samayn sababo ilaa hadda aan la caddayn, balse waxaa habeenkii xukuumaddu qabataa xaflad looga hadlo qiimaha ay leedahay.

Waxaa xusid mudan in 01 Augusto la samayn jiray mahaaraad xooggan iyo fantiyo kala duwan kuwaasoo  ay kasoo qayb gali jireen mas'uuliyiinta dalka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, balse markii talada uu la wareegay madaxweyne Gaas ayaa qorshahaasi meesha ka baxay iyadoo labadii sano ee ugu dambaysay aan la qaban dabaal dagyadii loo bartay.

Meelaha dabaal dagga laga hadal hayo waxaa kamid ah caasumadda Puntland ee Garowe, waxaana shacabka magalada oo la hadlay Radio Garowe sheegeen inay ku faraxsanyihiin guulaha la gaaray 18 sano kadib iyagoo intaasi ku daray inay muhiim ahaan lahayd in dowladdu muujiso mudnaanta aas-aaska Puntland.

Deegaanada kale ee Puntland ayaa sidoo kale laga hadal hayaa xuska 1 Augusto.

Waxaa caawa lagu wada in xarunta madaxtooyada Puntland lagu qabto xaflad ballaaran oo ay kasoo qayb galayaan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo golayaasha dowladda.

Warsidaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona wararka la xiriira munaasabadaha 1 Augusto ee dalka iyo daafaha caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM