Puntland oo u jawaabtey Faysal Cali Waraabe [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa maanta ka hadashay hadal xanaf iyo naceyb xambaarsan oo kasoo yeeray dhawaan Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdullahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay hadalka Faysal Cali Waraabe ee ahaa in la laayo Ardayda wax ka baraya Jaamacadaha ku yaalla Somaliland.

Wasiirka ayaa daboolka ka qaadey in hadalka Faysal uu yahay mid caddeyn u ah in Somaliland iyo Al-Shabaab ay wada shaqeeyaan islamarkaana ay Puntland dagaal kula jirto Isbaheysigaasi duulaanka kusoo qaadey ee khatarta ku ah amniga gobolka.

Tima-Cadde ayaa tusaale usoo qaatey weerarkii Saldhigga Ciidamada PMPF ee Balli Khadar 2-dii bishan, kaasi oo uu hogaaminayay sida uu sheegtay Sarkaal Ciidamada Somaliland katirsanaa oo  lagu magacaabo Maxamed Cabdullahi Mataan.

"7-dii bishan June, Mas'uul u hadlay Somaliland oo lagu magacaabo Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuusan jirin Shabaab iyo Daacish, wuxuuna ku daray in Dadkii ay laayeen Ciidamada Puntland ay ahaayeen Ciidamo kale oo isagu ogaa, oo magacyo kale ugu yeeray, isagoo kusii daray mas'uulkaasi u hadlay Somaliland uu hadlay in la laayo Ardayda reer Puntland ee wax ka barata Jaamacadda Camuud ama Somaliland oo dhan" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Wasiirka ayaa xusay in Wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe uu isagoo ka barbar dagaalamayay Kooxda Daacish isku qarxiyay dalka Syria sanadkii 2017, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sayida Xuseen Faysal Cali Waraabe.

Dhanka kale, Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel, oo isna Wariyaasha la hadlay ayaa sheegay inay dib usoo celinayaan ku dhawaad 900 oo Arday oo kasoo jeeda Puntland kadib hanjabaadii Faysal Cali Waraabe.

Ardaydan oo isagu jira rag iyo dumar ayaa wax ka barta Jaamacado ku yaalla magaalooyinka Hargeysa, Boorame iyo Burco, kuwaasi oo iyaga iyo waalidiintooda soo wajahay cabsi dhanka amaankooda ah.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in hadalka warbaahinta uu siiyay Quraan Jecel uusan ahayn mid uu ka warqabo ama la socdo Xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxaana uu abuuray khalkhal ku yimid Ardayda reer Puntland.

Qaar kamid ah Waalidiinta dhalay Ardayda lsoo celinayo, oo la hadlay Garowe Online, ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen hadalka Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland.

Faysal Cali Waraabe ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo si weyn uga soo horjeestay hadalkii uu jeediyay 7-dii bishan, kaasi oo lagu tilmaamay inuu sii hurinayo colaadda Puntland iyo Somaliland.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID EE WASIIRKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM