Puntland: Rag laga shakisanyahay oo Garoowe lagu qabtay

Image

GAROOWE, Puntland- Ciidamada Booliiska magaalada Garoowe ayaa xalay gacanta ku dhigay raga laga shakisanyahay inay katirsanyihiin kooxda Al Shabaab oo lagu soo qariyay baabuur nooca xamuulka qaada, kaasoo kusii jeeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugal, Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galangooli), ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in raggan lagu qabtay Kantaroolka magaalada Garoowe, iyagoo saaran gaari ka yimid magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gashaanle Sare Faarax, ayaa intaas ku daray in raggaas iyo gaarigii ay saarnaayeenba gacanta ugu jiro laamaha amniga Puntland, islamarkaana baaritaan ku samayn doonaan.

Mar uu ka waramayay sida lagusoo qabtay eedaysanayaashaas, wuxuu tilmaamay in darawalka Gaariga uu ku lug leeyahay qorshahan, maadama sida uu xusay uu kusoo dhex-qariyay Baabuur sida Xoolo islamarkaana dharkii uga badalay Kirish-booyadii baabuurka oo kusoo dajiyay meel ka baxsan magaalada Garoowe.

"Kantaroolkan waxaa lagu qabtay niman laga shakiyay oo gaari uu sooo gudbiyay, gaarigaas wuxuu sameeyay Kirishbooyadiisii ayuu ku dajiyay meel magaalada ka baxsan buur dharkoodii raggaas usoo gashay, kadibna waa lagu qabtay, Darawalkiina waa xiranyahay gaarigii iyo dadkiina waan haynaa," ayuu yiri taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugal oo intaas ku daray, "Gaarigaas waa gaari Ari sida oo cago-badan ah Nugal baana laga leeyahay wuxuuna ka yimid Baladweyne."

Dhinaca kale, waxaa maanta dab lagu qabadsiiyay magaalada Garoowe 50 kartoon ah Timir Dhacday taasoo laga keenay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay cuntadan oo ahayd mid markii hore lagu qabtay Boosaaso balse si tuugo ah loo soo gudbiyay.

Waxaa goobtii lagu gubayay xaadir ku ahaa maamulka gobolka degmada iyo Agaasimaha waaxda Tayo-dhowrka Puntland,Salaad Aadan Maxamuud iyo taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugal, kuwaasoo sheegay inaan la ogolaan doonin soo galinta waxyaabaha dhacay ee dhibaatada u keenaya bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM