Puntland: Shirkad ku guuleysatey qandaraaska dhismaha Wadada Garowe Galkacayo

Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha Garowe online ka helayo xubno ka warqaba qandaraaska lagu bixinayo dhismaha wadada u dhexeysa tuulooyinka Jalam iyo Xarfo ee kala tirsan gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa waxaa ku guuleystey shirkada la yiraahdo Is-xilqaan. 

Tartanka qandaraaskaan oo ay ku jireen shirkadaha Al-baashit, El-Gar, Jibkon iyo Is-Xilqaan ayaa sida warsidaha Garowe online fahansan yahay sadexda kale ee shirkadood waxey ku guuldareyteen iney buuxiyaan shuruudaha tartanka loo galey dhismaha wadadaas.

Shirkada Is-Xilqaan oo ay ku midoobeen Afar shirkadood ayaa qaar kamid ah xubnaha iska leh waxay mashaariic dhisme horey uga soo qabteen magaalada Galkacayo.

Dhinaca kale shirkadaha Al-baashat iyo El-Gar ayaa tartankooda waxaa saameyn weyn ku yeeshay xiriirka dhow ay qandaraaska lagu bixinayey mashruucaan kala lahaayeen mareeyaha hay'ada jidadka Puntland iyo agaasime ku xigeenka hay'ada qandaraas bixinta kasoo dhowaan saxaafada xorta ah ee Puntland soo bandhigtey.

Ku dhawaaqista shirkada ku guuleystey mashruucaan ayaa la sugayaa in lagu dhawaaqo Bisha December 5,2016.

Dhismaha Mashruuca lagu dayactirayo wadada u dhexeysa magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo oo ay bixineyso midowga Yurub ayaa waxaa  hareeyey musuqmaasuq taasoo khasabtey in hay'ada GIZ qabato warsaxafadeed ay kaga hadlayso eedeymahaan.

GIZ oo laga leeyahay dalka Germany ayaa Mashruucaan si wadajir ah ula fulineysa hay'ada jidadka Puntland 'PHA' sida uu sheegey wakiilkeeda u jooga magaalada Garowe.

Garowe online ayaa idiin soo gudbin doona taariikhda shirkadaha ku midoobey Is-Xilqaan kuwasoo la filayo iney ku guuleystaan Mashruuca lagu dhisayo 80 km ee u dhexeysa tuulooyinka Jalam iyo Xarfo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM